War culus: Fadhigii Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta oo qabsoomi waayey isla markaana Buuq Ku Dhamaadey

WAAJIDPRESS – 18 APR 2016:

Fadhi ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa buuq iyo faro isku fiiq ku dhamaadey kadib markii la isku fahmi waayey ajandaha fadhiga iyo codeyntiisa.

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ay ku lahaayeen Xarunta Golaha shacabka Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo dhamaaday Buuq, kadib markii Xildhibaanada qaar ay ku doodeen in Ajandaha laga saaro Mooshin laga keenay Shirka Jowhar.

Xildhibaano gaaraya 40 ayaa keeney mooshin ah in la hakiyo shirka ka furmey Jowhar ee maamulka loogu dhisaayo Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe, kadib markii ay sheegeen in beeluhu aysan kuwada qanacsaneyn , isla markaana dib u heshiisiin aan la sameyn shirkuna yahay mid afduuban.

Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha shacabka oo kulanka furay ayaa sheegay in Xildhibaanada laga doonaayo Ansixinta Ajandaha Baarlamaanka oo ka koobnaa Mooshinka laga keenay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabelaha Dhexe, sharciga argagixisada, iyo sharciga axsaabta.

Markii uu hadalkaasi dhahay Guddoonka ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka waxa ay ka istaageen Kuraasta waxaana Guddoomiye ku xigeenka ay u sheegeen in Ajandaha laga saaro Mooshinka Shirka Jowhar laga soo gudbiyay.

Xildhibaano kale oo ka mid ah kuwii Mooshinka keenay ayaa dhankooda istaagay oo sheegay inaan Ajandaha laga saareyn Mooshinka, maadaama uu yahay mid sharci ah oo Xildhibaano ay keeneen.

Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar oo shir guddoominaayey fadhigii maanta ayaa isku dayey in uu dejiyo fadhiga Xildhibaanada, waxaana uu buuqa ku eedeeyey Xildhibaan Goodax oo mooshinka taageersan iyo Xildhibaan Daahir Aimin Jeesow oo ka soo horjeeda mooshinka.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka ayaa kadib ku dhawaaqey in fadhigu xiran yahay, kadib markii uu sheegay in aan ajanadaha la geli karin iyada oo fawdo jirto.

Xildhibaan Goodax oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in ajandaha la ansixiyey oo la meel mariyey in Ajandaha uu u horeeyo noqdo hakinta shirka Jowhar, waxaana uu ku eedeeyey guddoomiye Jeylaani iyo xildhibaano yar oo lagu shaqeysanaayo in ay buuqa dhaliyeen kadibna mar-marsiiyo ka dhigaan in fadhiga la xiro.

Xildhibaan Amiin Jeesow ayaa sheegay in Mooshin aan sharciga waafaqsaneyn in Baarlamaanka la horkeeno, isla markaana wax codeyn ah aysan dhicin, waana mooshin dastuurka ka soo horjeeda, maadaama dastuurku dhigaayo in la dhiso maamul goboleedyada ayuu yiri.

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: