War deg deg ah: Toogasho iyo qarax galabta ka dhacay Magaalada Muqdish

WAAJIDPRESS – 18 APR 2016:

Rag hubeysan oo watay gaari SURF ahaa, ayaa waxay laba qof ku toogteen Degmada Boondheere Ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Labada qof ee la toogtay, ayaa la socday gaari nooca raaxada ah, wuxuuna dilkoodu ka dambeeyay, ka gadaal markii lagu horgeeyay gaarigii ay wateen dembiilayaasha. Mid ka mid ah labada nin ee la dilay ayaa ahaa wadihii gaariga ee Gudoomiyaha Degmada Boondheere, Qaasim Xasan Cabdulle (Qaasim Dheere)

Ciidanka Nabad Suggida oo rasaastaasi ku baxay, ayaa gaadiid kale ku eryaday gaarigii ay la socdeen raggii dilka gaystay, waxayna in muddo ahba isu rasaaseynayeen qaar ka mid ah wadooyinka Degmooyinka Boondheere & Yaaqshiid.

Raggan, ayaa waxay isla galeen aagga Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmadaasi Yaaqshiid, waxaana dhacday in gurmad ay hellaan raggii ay Ciidanka Nabad Suggida eryanayeen.

Nin watay gaari NOAH ahaa oo u soo gurmaday dembiilayaasha, ayaa rasaas xoogan oodda kaga qaaday gaadiidkii ay wateen Ciidanka Nabad Suggida, waxayna taasi sahashay inay baxsadaan dembiilayaasha.

Ciidanka Nabad Suggida, ayaa waxaa u suurta-gashay inay dilaan ninkaasi, hase ahaatee waxaa qarax xoogan uu ka dhashay gaarigii uu watay ninkaasi.

Haweeney ka mid ahayd dadka ku dhaqan Suuq Bacaad, ayaa sidoo kale ku dhimatay isku dhacaasi, waxayna dadku bilaabeen inay wadooyinka isugu soo baxaan.

Xoogaga Nabad Suggida, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay wadaan baaritaano ku aadan ninkii ay dileen iyo halka uu ka yimid.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: