Madaxweynaha oo qiray in awooda Al Shabaab aan la wiiqin.

WAAJIDPRESS – 19 APR 2016:

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu Golaha Amaanka ee QM warbixin ka siiyo Xaaladda Siyaasadeed, Amni iyo Arrimaha kale ee dhinaca Horumarka ee ka socda Soomaaliya. Xasan Sheekh oo Xalay gaarey Magaalada New York ee Mareykanka, ayaa Warbixintiisa diiradda ku saari doonaa doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya Sannadkan 2016-ka iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagixisada ah.

Sidoo kale, Maalinta berri ah ayuu madaxweynuhu khudbad xaaladda Somalia iyo halka ay marayso ku saabsan ka jeedin doonaa Machadka Caalamiga ah ee United States Institute of Peace ee Magaalada Washington. Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale 22-ka Bishaan ka mid noqonayaa Madaxda Caalamka ee xarunta QM ee New York, ku saxiixi doona Heshiiska cusub ee is-beddelka Cimilada Adduunka ee Paris Agreement, kaasoo hoos imaanaya barnaamijka Qaramada Midoobay ee United Nations Framework Convention on Climate Change (UNFCCC).

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qiray in Dowladdiisa aysan si buuxdo u wiiqin awooda Xarakada Al Shabaab, xili lagu wado Doorashooyin in ay ka dhacan Dalka Soomaaliya.

Isagoo Wareysi gaar ah siinayay BBC-da, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeexay in afkaarta Al Shabaab ay aaminsan yihiin aan looga adkaan karin awood military, balse loo baahan yahay sida uu sheegay in loo wajaho qaab ka duwan Dagaal militari.

“Waxaan kugu raacsanahay inay wali jirto Khatarta Al shabaab, oo aan wali loogu guulaysan dagaalka dhanka idiyolojiyada ama fekerka, balse waxaana uga guulaysan midka Military,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku dhifaty in Doorashooyinka Baarlamaaniga ee soo socda ay ka dhici doonaan lix Magaalo oo Caasimad u ah Maamul Goboleedyada Dalka ka jira, kuwaasi oo amaankooda uu ku tilmaamay in la isku haleen karo.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in amaanka Magaalooyinka ay doorashooyinka ka dhacayaan ay sugi doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero militari ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

“Doorashada Baarlamaanka Somalia waxay ka dhici doonaan lix goobood oo kala duwan oo dalka kamid ah kuwaasi oo ah Caasimadaha Maamula Goboleedyada Federaalka oo hadda Amniga ah, waxaana joogo Ciidanka AMISOM oo ka taageeri doono Ciidanka Qaranka gudashada mas’uuliyadda Amaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhawaan ayaa Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka waxey isku raaceen in Xildhibaanada Baarlamaanka soo socda luga soo xulo lix Magaalo oo Caasimad u ah Maamul Goboleedyada Dalka, iyadoo xusid mudan in Dalka ay ka dhacaan Weeraro u badan Qaraxyo, kuwaasi oo mas’uuliyadoodu ay shgeetaan Xarakada Al Shabaab.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: