Mowjado dabeylo wata oo maanta ku dhuftay Dekeda Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 19 APR 2016:

Mowjado hirar ah oo dabeylo wata, ayaa ku dhuftay Dekeda Magaalada Muqdisho, iyadoo dhanka kalana ay saamayn wayn ku yeesheen dhaq dhaqaaqii guud ee ka jiray Dekeda.

Mowjadahan biyaha, ayaa waxay ka soo dul boodeen meel la yiraahdo (Break Water) oo biyaha ka hakisa Dekeda, waxayna biyuhu soo buuxiyeen bakhaaradii la dhigi jiray badeecadaha laga soo dejiyo maraakiibta.

Sidoo kale mowjadaha, ayaa waxay sababeen isku dhaca laba markab oo sida la sheegay ku xirnaa Dekeda Magaalada Muqdisho. Isku dhaca maraakiibta ayaa ka dambeeyay markii mid ka mid ah uu baroosinka goystay.

Mid ka mid ah maraakiibtaasi, ayaa waxaa la sheegay in dalool wayn uu ka soo gaaray isku dhacaasi, inkastoo laga hortagey in biyuhu ay dhex fariistaan markabka.

Markab ka mid ah maraakiibtaasi, ayaa agabyo ganacsi keenay Dekeda Magaalada Muqdisho, halka midka kalana la doonaayay in la saaro xoolo loo dhoofinaayay Wadamada Carabta.

Illaa iyo hadda waxaan jirin dad ku dhintay mowjadaha ka dhashay kacsanaanta biyaha badda, marka laga soo taggo khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay.

Dekeda Muqdisho waxaa gacanta ku haysa Shirkadda Albayrak oo laga leeyahay dalka Turkiga. Dekedu waa isha ugu wayn ee dhaqaalaha ka hesho Dowladda Dhexe Somaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: