War deg deg ah: Askar ka tirsan Dowlada Federaalka oo 3 caruur ah oo maanta ku dishey Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 20 APR 2016:

Ugu yaraan 3 caruur ahayd ayaa la xaqiijiyay ayaa ku dhimatey, oo midu gabar yar oo 11 jir ahayd  ayaa lagu diley  Muqdisho, kadib Rasaas ay Ciidamo kuwa dowladda ka tirsan xalay  fiidkii  dad  shacab ah ku huwiyeen Xaafadda Al Barako ee degmada Hodan.

Dadka la dilay oo isugu jiray laba wiil iyo gabar ka mid ahaa dadka ku dhaqan xaafadda Al Baraka, ayaa waxaa dilay niman ku labisnaa dareyska Ciidamada Dowladda Somaliya, xilli ay Ciidamada Dowlada damacsanaayeen inay dhac u gaysteaan gaari rakaab siday.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada oo falal baarasho dadka ay ku dhacayeen waday Gaari meesha marayay uu leer ku iftiimiyay taas oo keentay in rasaas ay ooda ka qaadaan.

Ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi, balse waxa uu qeyb ka noqonayaa dhibaatooyin dadka shacabka ah mararka qaar kala kulmaan Askarta dowladda.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegaa in ay ku qasabto falalka dhaca shacabka ay kula dhaqaaqaan mushaar la’aanta daashatay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, C/kaamil Macalin Shukri, ayaa wuxuu xaqiijiyay in xalay saddex qof lagu dilay Degmada Hodan Ee Bartamaha Magaalada Muqdisho.

C/kaamil Macalin Shukri oo wareysi siiyay VOA, ayaa tilmaamay inaanan la aqoon ujeedada ay raggaasi rasaasta ugu furayn gaarigii Caasiga ahaa, balse dadka deegaanku waxay sheegeen in ujeedkoodu uu ahaa inay dhacaan rakaabkii gaarigaasi saarnaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: