War deg deg ah: UNCHR oo sheegtay 500 oo ruux inay ku geeriyoodeen Badda Mediterranean-ka

WAAJIDPRESS – 21 APR 2016:

Hay’adda UNHCR ayaa shaacisay tirada dadkii ku dhintay Badda u dhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga oo musiibo ay ka dhacday, kadib markii doon ay la socdee dad badan ay qalibmatay.

UNHCR ayaa sheegtay dadka badda ku geeriyooday inay gaarayaan 500 oo ruux OO Soomaali ah, inkastoo UNHCR ay tilmaamtay in aanan laheyn tiro sax ah oo ku aadan dadka dhintay, balse tiradan laga soo xigtay dadkii la badbaadiyay.

Afhayeen u hadlay UNHCR ayaa intaas ku daray in la badbaadiyay oo kaliya 41 qof oo u badan rag, taasina ay muujinayso inaysan hakad galin musiibooyinka ka dhacaya badda Mediterranean-ka.

Dadka la badbaadiyay ayuu sheegay inay ka kooban yihiin 23 Soomaali ah, 11 Itoobiyaan ah, lix Masaari ah iyo qof u dhashay dalka Suudaan.

Dowladda Federaalka Somaliya ayaa iyadu sheegtay in shilkaas ay ku dhinteen Somali tiradoou gaareyso laba boqol oo qof oo doonayay inay sharci darro ku tagaan Qaarada Yurub.

Muhaajiriin ay tiradoodu gaareyso 25 kun oo qof oo badankood ka tagey dalalka Afrikada Bari iyo Suuriya ayaa sannadkan gaaray dalka Talyaaniga.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: