War deg deg ah: Akhriso then DAAWO: Qarax hadda Muqdisho ka dhacay

WAAJIDPRESS – 22 APR 2016:

Warar goordhow soo baxay ayaa sheegaya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu goordhaw ku qarxay agagaarka Isgoyska Cali Kamiin ee Degmada Wardhiigley.

Ugu yaraan labo Ruux oo midi lagu sheegay Askari ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu dhacay kadib markii ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen labo nin oo watay gaaarigaasi qaraxa ku xirnaayeen, waxaana la sheegay in ragan la qabtay ay doonayeen in gaariga ku wareejiyana rag kale oo weerarka fulin lahaa.

Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay qabteen gaari kale oo isna loo adeegsan rabay weerarka, waxa ayna ciidamada nabad sugida ay baadi goob ugu jiraan rag la tuhmayo inay fulin rabeen weerar lagu qaado Maqaayad kutaala Muqdisho.

Qaraxa gaariga ka dhacay waxaa ku dhaawacmay inta la ogyahya sadax qof oo shacab ah sida ay noo xaqiijiyeen maamulka Degmada Wardhiigley, waxaana ciidamada amaanka ay hada wadan howlgalo looga hortago weeraro argagaxiso oo ka dhaca Muqdisho.

Sargaal katirsan Ciidamada Nabad Sugida ayaa Warbaahinta u sheegay in gaariga qarxay iyo midka la qabtay in la doonayay in lagu weeraro maqaayad kutaala Muqdisho, waxaana labada gaari doonayay in mid kamid ah weerar is qarxin ah lagu fuliyo halka kan kalana ay raaci lahaayeen raga weerarka fulin rabay – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: