War deg deg ah: Akhriso then Dhageyso: Maamulka Killinka 5aad ee Itoobiya oo ku dhawaaqay inay Dowlad Goboleedka Galmudug tahay Alshabaab..

WAAJIDPRESS – 23 APR 2016:

Dad kor u dhaafaya toban ruux ayaa ku dhintay intaas ka badana wey ku dhaawacmeen dagaalo qaraar oo maanta degaanka Dacdheer ku dhexmaray ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo dadka degaanka ee GALMUDUG.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkani uu qarxay markii ciidamada Liyuu boolis ay weerar ku soo qaadeen degaanka taasoo keentay in maleeshiyada degaanka ay qoryaha qaataan, lana dagaalamaan.

Xiisad u dhexeysa labada dhinac ayaa maalmahan ka taagneyd degaanka, iyadoo shacabka halkaas ku nool ay sheegeen in ciidamada Liyuu Boolis ay ku amreen iney halkaas isaga guuraan taasoo ay sheegeen ineysan aqbaleyn dagaalna ka xigaan.

Mas’uulka Aminga maamulka Soomaalida Itoobiya ee Kilinka Shanaad Yaasiin Cabdi Weris ayaa markii ugu horeysay si aad looga baran uga hadlay dagaalo ka dhacay xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo sheegay in maleeshiyo Beeleedka Galmudug soo weerareen degaano ka tirsan dalka Itoobiya ayna isku dayeen inay calanka Soomaaliya ka suraan degaanadaasi.

Mas’uulkan oo wareysi siiyay BBC-da ayaa sheegay Degmada Galaadi ee Gobolka Doolo ay soo weerareen maleeshiyada Galmudug iyo Alshabaab, wuxuuna ku hanjabay inay weerari doonaan kooxda Alshabaab oo ay difaaci doonaan dalkooda.

Hadalka Mas’uulkan oo qabyaalad ka muuqatay, isla markaana ka marnaa diblomaasiyad waa markii ugu horeysay ee mas’uuliyiin is maamul goboleed Itoobiya ka tirsan ay sidaan u hadlaan – Dhageyso Hoos:

 

Halkaan Riix oo dhageyso

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: