War deg deg AH: Shabaab oo weeraray Xerada Amisom ee Buulo mareer

WAAJIDPRESS – 23 APR 2016:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Buulo mareer oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, Ururka Al Shabaab ayaa weeraray Xerada ciidamada Amisom ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Weerarkaan ayaa dhacay xalay waxaana Shabaabka ciidamo ka tirsan ay dhowr jiho ka weerareen Xerada ciidamada Amisom halkaasi ugu taal.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen jugta Rasaasta labada dhinac ay isweydaarsanayeen, inkastoo Difaacyada Amisom laga maqlaayay sida dadka ay sheegeen rasaas culus.

Ciidamada Amisom waa ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab ay ku qaadeen Xeradaasi, sidoo kale waxaanan la ogeyn Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Amisom ee Buulo mareer.

Xoogaga Amisom oo ka cabsi qaba weeraro la mid ah Kii Janaale iyo Leego, ayaa xilliyada habeenkii ah ciidamadooda waxa ay ku jiraan feejignaan aad u sareysa oo ku aadan inay iska caabiyaan Shabaabka weerarada u qorsheeya.

Maamulka Deegaanka Buulo mareer ayaa sheegay inuu jiro dagaalkaasi Shabaabka ay soo qaadeen, balse uusan war ka heyn Khasaaraha Shabaabka iyo ciidamada Amisom soo kala gaaray.

Al Shabaab ayaa weeraro la beegsaday Difaacyada Amisom ay ku leeyihiin Gobolada dalka Somaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: