DAAWO: PUNTLAND OO WADA QORSHE LAGU DUMINAYO Dowlad Goboleedka KOONFUR GALBEED

WAAJIDPRESS – 25 APR 2016:

image

Madaxda Maamulka Puntland ayaa Garoowe maanta ku soo dhaweeyay Axmed Maxamed Mashruuc oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Bakool sare.

Waxaana Hogaamiye kooxeed Axmed Mashruuc kusoo dhaweeyay Magaalada Garowe Madaxweyne xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey & Xubnaha Labada Gole Ee Maamulkaasi.

Puntland ayaa dooneysa in aay Qal qal siyaasadeed ka abuurto Degaanada Koonfur Galbeed waxeyna Marti gelisay Hogaamiye kooxeed sheegtay in uu madax ka yahay Bakool sare ayadoo taa oga gon leh in Maamulka Koonfur galbeed ay ku furto Mowjado siyaasadeed.

Hadaba sido kale Maamulka Puntland ayaa xiriir la soo sameeyay lacaga badana usoo diray qaar ka mid ah rag siyaasiyiin sheegta oo baydhaba ku sugan si aay qalaalase ugu abuuri lahaayeen deeganada Koonfur Galbeed.

Maamulka Puntand ayaa sido kale Axmed Mashruuc ku wareejiyay gaadiid iyo hub dowladda Soomaaliya maamulka puntland ugu deeqday oo loogu tala galay in lagula dagaalamo al shabaab balse puntland doonaysa in hubkaasi lagula dagaalamo Maamulka Koonfur galbeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: