War deg deg ah: Ra’iisul Wasaaraha Somaliya oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiir ka tirsan Xukuumadda si official ah

WAAJIDPRESS – 25 APR 2016:

image

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee xukuumadda Somaliya Guuleed Xuseen Qaasim.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa xilkaan u magacaabay Mudane Maxamed Jaamac Geele Mursal oo noqday wasiirka cusub ee wasaaradda boosatada iyo isgaarsiinta.

Wasiirkan Cusub Ayaa la shaqeyn jirey Wakiilka IGAD ee Ethoipia ee arimaha Soomaaliya   Gen. Gabre.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya ayaa lagu sheegay markii uu Ra’iisul Wasaaraha arkay baahida loo qabo tayeynta Xubnaha Joogtada ah ee Wasiirada Somaliya inuu garowsaday xil ka qaadista Wasiirkaan.

Digreetada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka soo baxday ayaa lagu sheegay markii uu arkay qodobka 97 farqadiis 1aad , 2aad iyo 3 aad ee dastuurka (KMG) jamhuuriyadda federaalka Markii uu arkay; xeer Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka oo lambarkeeddu yahay 72, kuna taarikheysan 17/12/2014 kuna saabsaneyd magacaabisteyda ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Markii uu arkay baahida loo qabo tayeynta joogtada ah ee golaha wasiirada ayuu go’aansaday in uu sameeyo magacaabis iyo xil ka qaadis.

Maalmahan dambe ayaa si aad ah loo hadal haayay arinta ku aadan xil ka qaadista lagu sameynaayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

Faallo u dhaaf