War deg deg ah: DAGAAL XOOG LEH OO MAANTA KU DHEXMAREY DEEGAANKA DAYNUUNEEY CIIDAMADA DARAAWISHTA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED IYO AL-SHABAAB

WAAJIDPRESS – 26 APR 2016:

image     image

Waxay faah faahin dheeri ah ka soo baxeysaa dagaal culus oo Ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Xoogaga Ururka Al Shabaab ku dhex maray Deegaanka Daynuunaay, oo 26km u jirta Magaalada Baydhabo.

Dagaalkan, ayaa ka dambeeyay markii Xoogaga Al Shabaab ay weerar ballaaran ku qaadeen Xerada Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Deegaankaasi Daynuunaay, balse khasaaraha ugu badan ayaa ka dhashay markii wadada loo galay ciidan gurmad ahaa oo ka soo baxay Baydhabo, kuna soo wajahnaa Daynuunaay.

Ciidanka wadada loo galay, ayaa waxaa la xaqiijiyay inay Shabaabku ku garaaceen gantaalaha garbaha laga gano, halkaana uu ka dhashay khasaaraha ugu buuran ee dagaalka ka dhashay.

Gurmad labaad oo ka soo dhaqaaqay Magaalada Baydhabo, ayaa suurta-geliyay in maleeshiyada Ururka Al Shabaab dib looga riixo Deegaanka Daynuunaay, oo muddo kooban ay la wareegeen.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa wuxuu dagaalkii maanta uu ku sheegay mid aad u qaraaraa, lana isku adeegsaday hubka waawayn, sida uu yiri.

Wasiirka, ayaa meesha ka saaray in Ciidanka Amisom ee ku sugan Magaalada Baydhabo ay ka qayb qaateen dagaalka faraha looga gubtay, ay Ciidamada Somalidu la galeen Xoogaga Shabaabka.

Abaan Duulaha Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Daynuunaay Ismaaciil Khaliif, ayaa sheegay dagaalka inay ku dileen labaatan ka mid ah mintidiinta Al Shabaab.

Weerarka ay Shabaabku ku qaadeen Daynuunaay, ayaa u muuqday mid jawaab u ahaa weerar ay Ciidanka Koonfur Galbeed maalintii Axada ku qaadeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, oo qaraxyo ku diyaarinaayay guryo ku yaala inta u dhaxeyso Baydhabo & Buurhakaba.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: