War deg deg ah: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka maanta Gurigiisa ku yaala Muqdisho lagu weerarey iyo nin Ganacsade ah oo Muqdisho lagu diley

WAAJIDPRESS – 26 APR 2016:

Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow  oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa caawa hoygiisa lagu weeraray bambooyinka nooca gacanta laga tuuro. Xildhibaanka wuxuu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Degmada Hodan, gaar ahaan dhinaca Carwadii Hore.

Wararka ayaa sheegaya, tirada bambooyinka ee lagu weeraray hoyga Xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in dhawr xabo oo bambo gacmeyd ihi lagu weeraray, waxaana si adag u difaacey hoyga, Ciidamada gaarka ee uu lahaa Xildhibaanka, Xildhibaanka waxba ma gaarin.

Nawaaxiga hoyga Xildhibaanka, ayaa waxaa laga maqlay rasaas.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu xaqiijiyay in afar ka mid ah ilaaladii Xildhibaanka ay ku dhaawacantay weerarka qaraxa/qaraxyada loo adeegsay, isla-markaana uu ka badbaaday Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

Afhayeenka, ayaa Warbaahinta u sheegay ragga weerarka gaystay inay la socdeen laba mooto bajaaj, isagoo intaa ku daray in laamaha ammaanka ay wadaan hawlgalo ka dhan ah raggaasi.

Weerarka hoyga Xildhibaanku caawa, ayaa waxaa ka horeeyey in saaka  Degmada Dharkiinley lagu dilay nin ganacsade ka ahaa Magaalada Muqdisho, waxaana

Waxaa saaka Xaafada Ceeldheere degmada Dharkeenleey gobolka Banaadir lagu dilay nin ganacsade ka ahaa xaafadaas oo lagu magacaabi jiray Aadan Afgooye xili uu goob ganacsi uu ku lahaa xaafada uu furaayay saaka aroortii hore.

Dilka Aadan ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ka danbeeyeen labo nin oo Bistoolado ku hubaysnaa kadibna baxsaday.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Aadan Afgooye uu maalmo ka hor ka istaagay Masaajidka Salaam ee Degmada Dharkiinleey, wuxuuna halkaasi ka sheegay in Xaafada Ceeldheere ee uu ku ganacsado ay dilalka ku soo badanayaan maamulka degmadana laga doonaayo inuu keeno ciidamo dheeri ah si Amniga loo sugo.
Dadka waxa ay hadal hayaan in sababta loo beegsaday Aadan Afgooye ay tahay hadalkii uu Masaajidka uu ka sheegay.

Ciidamada Dowladda oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan Baaritaano ilaa iyo hada lama soo sheegin cid loo qabtay dilka ganacsade Aadan Afgooye.
Degmada Dharkeenley dhowr mar waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo ay geysteen rag hubaysan oo Gaadiid iyo Bistoolado wata.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: