Midowga Yurub oo ka hadlay sababta ay u dhimeen Qarashkii ay siin jireen Amisom

WAAJIDPRESS – 27 APR 2016:

Midowga Yurub ayaa wuxuu ka hadlay sababta ciidamada Midowga Afrika ee Amisom 20% looga jaray dhaqaalihii Midowga Yurub uu ku taageeri jiray ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Danjiraha Ururka Midowga Yurub u jooga Somalia, Michele Chevvone ayaa sheegay ka hor inta aysan jaran Qarashkaasi inay ku wargeliyeen Madaxda Ururka Midowga Afrika.

Wuxuu sheegay Michele Chevvone in sanad waliba Howlgalka Amisom ay ku taageeri jireen 200 million oo Dollar, laakiin 20%, wixii ka dambeeyay Bishii Janaayo ee sanadkaan la dhimay.

Michele Chevvone, waxa uu ka digay Qarashka ay ka dhimeen howlgalka Amisom inaan loo fasiran karin arin curyaaminaysa howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, balse Midowga Yurub qarashkaasi uu ku taageeraayo meelo kale oo Somaliya ka mid ah.

“Iskaashigeenna weli waa wanaagsan yahay. Waxaana naga go’an inaan taageerno Amisom iyo in lala dagaalamo Argagixisadda” ayuu yiri Danjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, Michele Chevvone.

“Waan og nahay inaan weli laga guuleysanin Shabaab, waana taageersanahay Hawlgalka, balse waxaa jira Hawlgalo kale oo aan taageerno.” ayuu yiri Danjiraha EU-da u jooga Somalia.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: