Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday hoyga uu Magaalada Cadan ka degan yahay Taliyaha Booliska (SAWIRRO)

WAAJIDPRESS – 28 APR 2016:

Shelal1 Shelal2

Weerar ismiidaamin ahaa, ayaa waxaa maanta lagu qaaday hoyga uu Magaalada Cadan ka degan yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Cadan, General Shelal Ali Shayyeh.

Nin naftii hurre ahaa oo la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa isagoo xawaare ku kaxeynaaya ku soo weeraray hoyga Taliyaha, balse ilaaladiisii oo ku amartay inuu istaajiyo, ayaa rasaas oodda kaga qaaday.

Ninkaasi, ayaa waxaa la sheegay inuu dhegaha ka fureystay digniinihii ay siinayeen ilaalada Taliyaha, iyadoona uu gaarigu ku qarxay afaafka hore ee hoygaasi, markii rasaas lagu caabiyay wadihii gaariga.

General Shelal Ali Shayyeh, ayaa ka badbaaday weerarkaasi, balse waxaa ku dhaawacantay dhawr ruux oo uu ku jiro mid ka mid ah ilaaladiisii.

Weerarkan, ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, xilli maalin ka hor Ururka Al Qaacidda laga saaray Magaalada Xeebta Koonfurta Yemen ku taala ee Mukalla.

Ciidanka Dowladda Yemen oo gacan ka helaaya isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga, ayaa si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Magaaladaasi.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weerarka fashilmay ee lagu qaaday hoyga Taliyaha Ciidanka Booliska Cadan, balse weerarada ceynkani oo kale ah waxaa looga bartay Ururada Daacish & Al Qaacidda oo dagaal ka wada dalkaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: