Archive for Maajo, 2016

War hadda soo dhacay: Gudoomiye Jawaari oo madaxda shirka Madasha wadatashiga oo labo qodob si kulul ugu soo jeediyey……

Maajo 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2016:

unnamed-3-2

Waxaa maalintii Seddexaad magaalada Muqdisho  ka socda Shirka wadatashiga Qaran ee looga arrinsanaayo laba qodob oo kala ah Doorashada iyo Xuquuqda Gobolka Banaadir.

Madasha oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya ayna ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ku xigeenkiisa iyo Madaxda maamul Goboleedyada.

Madaxweyne Xassan Sh Maxamuud, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan iyo Madaxweynaha GALMUDUG Cabdikariin Guuleed ayaa soo jeediyey in dib loogu noqdo qaabkii loo qaybsaday xubnaha aqalka sare ee 54 ah, sheegeyna in aysan aheyn mid cadaalad ah.

Guddoomiye Jawaari ayaa hadalka qaatey oo si dheer uga hadleys siyaasada Dalka, waxa uuna si kulul u soo jeediyay in tirada Maamulada Puntland iyo Somaliland laga siiyay Aqalka Sare laga jaro mid 3 kursi, waxa uuna Jawaari tilmaamay in 6-daasi Kursi ay DFS ku biiriso 2 kale kadibna lasiiyo Gobolka Banaadir.

Jawaari waxa uu soo jeediyay in suuragalnimadu ay ka fog tahay in  Caasimada dalka loo diido Maqaamkeeda, waxa uuna Cod dheer ku sheegay in Magaalada Muqdisho ay u baahan tahay 8 Kursi oo ay ka hesho Aqalka Sare ee BFS.

Jawaari waxa uu sheegay in 8 Kursi ee Gobolka Banaadir lala doonaayo ay qaaraami doonaan Puntland iyo Somaliland oo mid 3 Kursi laga qaadi doono, halka 2 harsana ay DF bixineyso si Gobolka Banaadir ay ula sinaato Gobolada kale.

Sidoo kale, Jawaari waxa uu sheegay in marnaba aysan qaadan doonin in mar waliba ay DFS iyo Beesha Caalamka u hogaansamaan rabitaanka Maamulka Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay qaraxyo maanta lala beegsaday Ciidamada Puntland

Maajo 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 MAY 2016:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Buuraha Galgala Ee Gobolka Bari, qaraxyo Khasaare gaystay, ayaa ciidamada Puntland waxaa lagula eegtay Buuraleyda Galgala.

Maanta Barqadii ayaa qarax miino lala helay gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamada Maamulka Puntland, kaasi oo ku socdaalayay Buuraha galgala, waxaana soo gaaray Khasaare.

Iyadoo ciidankii saarnaa gaarigaasi Khasaaraha uu soo gaaray, ayaa ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Puntland oo u gurmanaayay Askartaasi waxaa iyagana lala helay qarax kale oo Miino.

Khasaare kala duwan, ayaa ciidamada Puntland ka soo gaaray qaraxyadan kala duwan ee lala eegtay gaadiidka dagaalka ah ee ciidamadaasi ay saarnaayeen.

War ka soo baxay Shabaabka, ayaa lagu sheegay in ciidamada Shabaab ay ka dambeeyeen Qaraxyadaasi, islamarkaana Khasaare kala duwan uu ka soo gaaray ciidamada Puntland.

Shabaabka waxa ay sheegteen Askar badan inay ku dileen Qaraxyada, laakiin ma cadda tirada rasmiga ah ee waxyeelada ka soo gaartay ciidamada Puntland.

Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada ku sugan Buuraha Galgala ee Gobolka Bari weli kama aysan hadlin qaraxyadaan Khasaaraha geystay ee ciidamada Puntland lala eegtay.

Daawo: MAANTA oo Golaha Qurba Joogta Koonfur Galbeed oo Shaley Xafiis Ka Furatey Magalada Baydhabo

Maajo 31, 2016

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2016:

Magalada baydhaba ayaa maalintii shaley waxaa lagu qabtey kulan ay kasoo qeyb galeen bulshada kala duwan ee ku dhaqan magalada baydhaba kulankaas oo ku saabsanaa xafiis ay golaha qurbo joogta koonfur galbeed ka furaneysey magalada baydhaba – DAAWO:

 

 

Muxuu ahaa qodobka ugu adag ee maanta looga hadlay shirka Madaxda Somalida

Maajo 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2016:

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee u socda madaxda Soomaalida ee ku shiran Muqdisho ayaa la sheegay in go’aan aan weli laga gaarin xaaladda Gobolka Banaadir iyo tirada aqalka sare laga siinayo
Wararka qaaar ayaa sheegaya in la isku mari la’ yahay soo jeedin ku saabsan in Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka sare 8 xubnood oo 4 ka mida loo qoondeynayo beelaha ugu badan ee degan Muqdisho iyo 4 xubnood oo si siman loogu qoondeeyay beelaha kale.

Waxaa kale oo aad looga hadley Markii maamul goboleedka KOONFUR GALBEED ay soo jeediyeen waa in aqalka sare lagu qeybiyaa  Nidaamka 4.5, oo SHARIIF Xassan , taasi waa cadaalada keliya lagu DHISI karo aqalka sare maadaama ay gobolo qaar XOOG ay KU heystaan maamul goboleed sida JUBALAND oo kale oo ay XOOG KU heysato gobolada JUBOOYINKA iyo Alshabaab.
Arrintan ayaa dhalisay dood ku saabsan maqaamka Muqdisho iyo tirada cusub in lagu darayo tiradii hore ee 54-ka xubnood ku saleysneyd.
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubba C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay ka biyo diideen arrinta Muqdisho iyagoo ku dooday in heshiiskii hore ay wax u dhimeyso, waxaana markii danbe arrinta ugu culus ay noqotay tirada la siinayo Gobolka Banaadir iyo sida loo qeybinayo oo aan weli lagu heshiin, lana filayo in waqti dheeraad ah ay qaadato.

Xog culus: Al- Shabaab Oo Sabano iyo Hub Culus Ku Hubeysan Oo Gudaha u Galay..

Maajo 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2016:

-War goordhow ay baahisay Dowlada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha dalkeeda ay galeen Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysnaa Hubka noocyadooda kala duwan.

Warbixin kooban oo kasoo baxday Dowlada Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Dagaalyahaanada ay tirro ahaan gaarayaan ilaa 50 Dagaalyahaano oo qeybo kala duwan ku takhasusay.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in cabsi xoogan ay ka qabto in Dagaalyahaanadaasi ay weeraro ku qaadan Xarumaha Dowlada gaar ahaan Garoomada iyo Goobaha waaweyn ee ganacsiga.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in xiriiro kala duwan oo ay la sameeyeen dhowr jiho lagu xaqiijiyay in qeybo kamid ah Kenya lagu arkay Dagaalyahaano aad u hubeysan.

Dhanka kale, Saraakiisha iyo Ciidamada Kenya ayaa iminka la galshay heegan buuxa, waxaana jira cabsi lixaad leh oo soo foodsaareysa dadka shacabka ah.

Sarkaal caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Maajo 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 MAY 2016:

Sarkaal ciidan, ayaa waxaa caawa lagu dilay Degmada Waaberi Ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana ay baxsadeen rag bistoolado ku hubeysnaa oo si gaadmo leh ku dilay Sarkaalkaas.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Mustaf Xaaji Dhicisow, ayaa Salaaddii Maqribka ka dib ee caawa lagu dilay agagaaraha Masaajidka Xaaji Aabow, xilli uu ka mid ahaa Jameecadii Masaajidka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo ka hadlay dilka Sarkaalkaasi, ayaa sheegay in uu ahaa Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Ilaalada Deegaanka.

Allaha u naxariisto Mustaf Xaaji Dhicisow oo caawa lagu dilay Degmada Waaberi, wax yar ka dib markii uu Salaadda Maqrib ku soo tukaday Masaajidka Xaaji Aabow.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka, ayaa yiri “Mustaf Xaaji Dhicisow wuxuu ahaa Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Ilaalada Deegaanka, dhagarqabayaashii dilayna way baxsadeen, balse waa lagu raadjooggaa.”

Xalane, ayaa dembiilayaasha ku eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, waxaana uu rajo ka muujiyay in laamaha ammaanku ay gacanta ku soo dhigi doonaan, si cadaaladda loo horkeeno.

Iyadoo inta badan ay hay’adaha amnigu hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyaan Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hadana arkaysaa in mintidiintu ay isu deyayaan in falal ka dhan ah ammaanka ka gaysanayan Caasimadda.

War deg deg ah: Q.M oo ku dhawaaqday 700 ruux in ay ku dhinteen Badda Mediterranean-ka

Maajo 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 MAY 2016:

Qaramada Midoobay oo sheegtay ku dhawaad 700 ruux inay ku dhinteen Badda Mediterranean-ka todobaad gudihiis29 May 2016

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay UNHCR, ayaa sheegtay in laga yaabo in ka badan 700, oo Qaxooti ah una badan SOOMAALI, in ay ku hafteen Badda Mediterranean-ka ee Koonfurta Talyaaniga, toddobaadyadii la soo dhaafay.

Af-hayeen u hadsahay hay’adda oo lagu magacaabo Carlotta Sami, ayaa khadka taleefanka Axadda maanta ah ugu sheegtay Wakaaladda Wararka ee AP, in dad lagu qiyaasay 100 qof ay ku maqan yihiin doon degtay Arbacadi.

Waxa ay sheegtay in 550, qof oo kale ay ku maqan yihiin Doon degtay subixii Khamiista.

Qaxootiga ayaa sheegay in doon siday ilaa 670 qof, aysan lahayn Matoor, isla markaana ay jiiidaysay Doon kale oo kuwa tahriibka ah ka hor inta aysan degin.

Ilaa 25 qof ayaa ka badbaaday dhacdadaas, 79 kale ayay badbaadiyeen doomo ilaalo hayay, waxaana la helay meydadka 15 qof.

Carlotta Sami, ayaa sheegtay in Jimcihi la soo helay meydadka 45 qof, iyada oo la werinayo in qaar badan la la’ yahay.

Warar kalena waxay sheegayaan in 19 qof ay soo badbaadisay Doon ilaalo haysay, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka AFP, oo soo xiganaysa saraakiisha ilaalada xeebaha.

Akhriso then DAAWO: XAFLAD BALAARAN OO LAGU XUSAYEY MAALINTII XUKUNKA MINGUSTU LAGA XOREEYEY ETHOIPIA OO KA DHACDEY MUQDISHO- dhamaan madaxda oo ka qeybgashey

Maajo 29, 2016

WAAJIDPRESS- 29 MAY 2016:

image

Safaaradda Dowladda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen madax ka tirsan Dowladda Federaalka, Xildhibaanno, madaxda Midowga Afrika, Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya, Diplomaasiyiin iyo marti sharaf kale.
Munaasabadaasi oo loogu dabaal degayay 25-guuradii ka soo wareegatay markii xisbiga talada dalka Itoobiya uu kala wareegay Madaxweynihii ka horeeyay Mingistu Xeyla Maryam, waxaana halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, saraakiil ka tirsan Dowladda Itoobiya iyo xubno kale, kuwaasi oo siyaabo kala duwan uga hadlay muhiimadda ay shacabka Itoobiyaanka ah u leedahay iyo guud ahaan dalalka geeska Afrika.
Ismaamulka qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya ayaa 28-May waxay u aqoonsan yihiin sanad waliba in la xuso 20-kii Ginbot oo ku beegan markii jabhadda EPRDF ee uu hoggaaminayay Meles Zenawihii geeriyooday ay xukunka dalkaasi la wareegtay.
“Dowladda iyo Shacabka dalka Itoobiya waxaan ugu hambalyeynayaa dabaal degga munaasabadaan oo runtii tilmaameysa guusha qiimaha weyn leh” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay madax kala duwan, kuwaasi oo dhammaantood hambalyo u diray shacabka iyo dowladda Itoobiya oo ay sheegeen inay tahay mid bannaanka u soo gaartay horumarka iyo dimoqoraadiyadda maanta caalamku ku tallaabsaday – DAAWO sawirada oo dhan:

 

image image image image image image

 

image

Aqriso: 5 Qodob Oo Xasaasi Ah Oo La Isku Haayo Kulanka Madasha Wadatashiga Qaran

Maajo 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 MAY 2016:

Qodobada ay ka arinsanayaan madaxda madasha oo aan helnay ayaa waxaa kamid ah:

1 – Habraaca Jadwalka Doorashada oo si rasmi ah loo cadeyn doono, maalinta, Goobta iyo Saacadaha doorashada.
2 – Halka lagu qabanayo, oo ay ka mid yihiin cidda sugeysa amaanka.
3 – Magacaabida guddiga Doorashooyinka ee heer dawlad gobaleed ilaa heer Faderaal.
4 – In Aqalka sarre oo xubnihiisa ay noqon doonto tiro siman oo ah 4.5 ama in la iska daayo dhisida aqalkani oo khilaaf badan keeney.
5 – Muqdisho maqaam nooce ah ayay yeelan doonta, mise ka qeybgalaysaa Aqalkan Sarre  haddii la dhisayo.

War deg deg ah: Qarax xoogan oo lala beegsaday gaari ay la socdeen Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida (NISA)

Maajo 28, 2016

WAAJIDPRESS – 28 MAY 2016:

Qarax lagu diyaariyay wadada dhinaceeda, ayaa waxaa 1:30 duhurnimo ee maanta lala eegtay gaari Cabdi Bille ahaa, oo ay la socdeen askar ka tirsan Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Askartan oo ka baxday Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Deegaanka Siinka Dheer oo ku yaala wadada xiriirisa Muqdisho iyo Degmada Afgooye, ayaa waxaa qaraxaan lagula eegtay Deegaanka Tarey Disho.

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada laba askari iyo dhaawaca laba kale, iyadoo sidoo kalana uu qaraxaasi burbur xoogan u gaystay gaarigii ay la socdeen Ciidanka Nabad Suggida ka tirsan.

Dadka deegaanka oo isugu soo baxay wadada qaraxa lagula eegtay askarta, ayaa waxay sheegeen in ay arkayn meydadka laba askari iyo dhaawaca laba kale oo garaab ah.

Nin diiday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayaa sidoo kale sheegay in uu arkay burbur wayn oo soo gaaray gaarigii ay wateen Ciidanka Nabad Suggida.

Dhanka kale ciidan ka tirsan Nabad Suggida oo gurmad ahaan uga dhaqaaqay Siinka Dheer, ayaa Tarey Disho ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada askarta.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa waxaa wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ku soo badanaayay qaraxyada lagula beegsanayo Ciidamada Dowladda iyo Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.