War deg deg ah: In ka badan 20 askari oo Ciidamada Dowladda looga dilay dagaalkii Deegaanka Runirgood

WAAJIDPRESS – 1 MAY 2016:

Wararka laga helaayo Deegaanka Runirgood Ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay xaqiijinayaan in 22 askari Ciidamada Dowladda Somaliya looga dilay dagaalkii saakay ka dhacay halkaasi.

Ciidanka Militariga Somaliya oo aanay la socon Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa Sabtidii bilaa dagaal kula wareegay Runirgood, iyadoo ay isaga baxeen Shabaabka oo ka arriminaayay.

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa saakay dhawr jiho ka soo weeraray Runirgood, waxayna dagaal culus kula galeen Ciidankii Militariga, ee shalay gacanta ku dhigay Deegaankaasi.

Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ku faanay in dagaalka oo socday dhawr saacadood ay ku dileen 32 ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya, dagaalkuna ay ku qabsadeen gaadiid dagaal.

Taliyaha oo wareysi siiyay VOA, ayaa Taliska Amisom ku eedeeyay inay ballanta uga baxeen, wuxuuna sheegay in leesku ogaa in Ciidamada Somaliya oo qura ay qabtaan Runirgood, Amisom-na ay dib ka difaaci doonto, isagoo intaa ku daray inaanay Ciidanka Amisom ka soo dhaqaaqin goobihii horay loo qorsheeyay inay ka soo dhaqaaqaan.

Mar General Saney wax laga weydiiyay khasaaraha dagaalka ka soo gaaray Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ku sheegay inay kaga dileen 12 nin.

Khasaaraha Ciidamada Dowladda ka soo gaaray dagaalkan, ayaa waxay noqonaysaa tiradii ugu badneyd oo mar qura dagaal looga dilo, tan iyo markii uu dhashay sanadkan 2016-ka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: