War deg deg ah: Xoogaga Shabaab oo dagaal kula wareegay gacan ku haynta Degmada Runirgood

WAAJIDPRESS – 1 MAY 2016:

Xoogaga Ururka Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Degmada Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii saaka aroortii dagaal culus ay halkaasi ku qaadeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii Millateriga Dowladda Federalka Somaliya halkaasi ay isaga baxeen, kadib markii laga itaal roonaadaay, maadaama Shabaabka dhowr jiho ay ka soo galeen Degmada.

Ciidamada Milateriga ayaa la sheegay dagaalka in Khasaare lagu gaarsiiyay oo dhowr Askari dagaalka looga dilay, inkastoo ilaa hada aanan xaqiijin tirada askarta.

Shabaabka waxa ay sheegteen ku dhawaad 20 Askari inay dagaalkaasi ku dileen, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen gaadiid dagaal oo ciidamada Dowladda ay lahaayeen.

Majirto ilo wareedyo ka madax banaan Shabaabka oo xaqiijinaya sheegashada ku aadan in Askar badan dagaalka ay ku dileen, sidoo kalena ay ku qabsadeen gaadiid dagaal.

Dadka ku nool Degmada Runirgoog ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda dagaalka saaka aroortii dhacay Khasaare lagu gaarsiiyay.

Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe intaba weli kama aysan hadlin dagaalkaan ciidamada Millateriga looga saaray Degmada Runirgood oo shalay un ciidamada ay qabsad

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: