War deg deg ah: Booliska oo rasaas u adeegsaday shacab Banaanbax ku dhigaayay Afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka Puntland IYO CABDIWELLI OO sheegey in aan Qabiil loo dooranin

WAAJIDPRESS – 2 MAY 2016:

Ciidamada Booliska Magaalada Garowe ayaa rasaas u adeegsaday dad shacab ah oo Banaanbax ku dhigaayay Afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka Puntland.

Dadkaan oo isugu soo baxay halkaasi ayaa waxa ay ka cabanayeen Qiimo koror ku yimid Badeecada Magaalada Garowe, waxaana ay dalbanayeen in arintaasi Baarlamanka ay wax ka qabtaan.

Dadka Banaanbaxa dhigaayay oo Haween u badnaa ayaa xidhay guud ahaan wadada horumarta Xarunta Baarlamaanka, waxaana ay diideen in halkaasi dadka iyo masuuliyiintaba ay maraan.

Ciidamada Booliska ayaa isku dayay inay kala ceyriyaan dadka, hayeeshe Haweenkii Banaanbaxa dhigaayay ayaa taasi ka dhaga adeegay, iyadoo ugu dambeyn arinta ay isla gaadhay in ciidamada ay rasaas ku ridaan dadka shacabka.

Ciidamada Booliska waxa ay qabteen tiro Haween ah oo Banaanbaxa hormuud ka ahaa, kuwaasi oo lagu xidhay Saldhiga Magaalada Garowe.

Saraakiisha Booliska weli kama aysan hadlin dhacdadaan maanta lagu rasaaseeyay dadka shacabka ah, inkastoo aanan la soo sheegin Khasaare rasmi ah oo ka dhashay rasaastaasi ciidamada Booliska shacabka ay ku fureen.

Arintaan ayaa muujinaysa in shacabka aysan muujin karin rabitaankooda iyo diidmadoda intaba, kol hadii rasaas loo adeegsanaayo.

Dhinaca kale, Daawo, Madaxweynaha Puntland CabdiWelli Gaas oo sheegey in Qabiil aan loo dooranin:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: