War deg deg ah: Akhriso then Daawo: Dowlada Ingiriiska oo ciidamo u dirtey SOOMAALIYA isla maantana ka degtey Muqdisho

WAAJIDPRESS – 2 MAY 2016:

Dowladda Britain ayaa ciidamo horudhac ah geysay Soomaaliya, si ay u taageeraan howl galka AMISOM.

Ciidamadan oo gaaraya 10 askari ayaa ka degay magaalada Muqdisho, iyadoo ay xigi doonaan 70 kale oo askari ah.

Xoghayaha Gaashaandhigga Britain Micheal Fallon ayaa sheegay in ciidamada Britan ka socda ay taageeri doonaan Ciidamada AMISOM.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay dhinaca caafimaadka iyo taageerada dhinaca lojistikada ay siin doonaan Ciidamada AMISOM.

Ciidamadan ayaa gacan ka geysan doona xasilinta iyo dagaalka lagula jiro Argagixisada Soomaaliya, waxaana la sheegay in aanay ka qeyb qaadan doonin dagaalada tooska ah, hase ahaatee hadii la soo weeraro ay is difaaci doonaan.

Xukuumadda Britain ayaa sanadkii la soo dhaafay shaacisay in illaa 80 askari oo isugu jira qubaro iyo la taliyeyaal ciidan u direyso Soomaaliya, si ay u taageeraan howl galka AMISOM  – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: