Akhriso then DAAWO: Madaxweyne Xassan oo magacaabey Gudoomiyaha Maxkamada Sare kaa soo bedeli doono Caydiid ilka Xanaf


WAAJIDPRESS – 4 MAY 2016:

Digreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa xilka looga qaaday guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka xanaf, iyadoo xilka loo magacaabay Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaana munaasabad kooban oo lagu dhaarinayay mudanaha cusub, ka qeyb galay Madaxweynaha dalka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, taliyeyaasha ciidamada booliska, Nabad sugidda iyo mas’uuliyiin kale.

Gudoomiyaha cusub Dr. Iidle ayaa horey u ahaan jirey Garyaqaanka Guud ee Soomaliland. Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa ahaa Garyaqaanka Guud ee Somaliland, kaasoo xilka iska casilay lix maalmood ka hor, iyadoo warqadiisa istiqaalada isagoo ka maqan Hargeysa u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland si uu uga aqbalo.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa bishii July ee sanadkii 2011 u magacaabay Ibraahim Iidle Saleebaan Garyaqaanka Guud ee Somaliland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Xasan Cali Wariiri oo ahaa gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka gobalka Banaadir, iyadoo xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay ku xigeenkiisii

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maanta ka  qeyb galay xaflad lagu dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka ee uu madaxweynahu magacaabay.

Xafladda lagu dhaariyey guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare ee dalka Dr Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday xarunta madaxtooyadda,kaas oo bedeley Caydiid Ilka Xanaf, ayaa waxaa goob joogka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Boliiska iyo Nabad Sugidda.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey xafladda dhaarinta ayaa faray dhammaan hey’dahaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare.

Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey’adaha amniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.Waxaan rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, waxaan ku bogaadinayaa guddoomiyaha cusub inuu wajaho tabashooyinbkaas dadku ay qabaan.” Ayuu yiri Madaxweynaha .

Ugu dambeyn, adaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhiira-geliyey guddoomiyaha cusub, waxuuna u ballan qaaday in dhammaan hey’adaha dowladda ay kala shaqeyn doonaa hawlaha loo igmaday – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: