War deg deg ah: Dowlada Kenya oo xir xirtay Sarakiil Soomaali ah oo Daacish ka tirsanaa

WAAJIDPRESS – 4 MAY 2016:

Ciidamada Booliska Kenya ayaa ku sheegay war saxaafadeed ay caawa soo saren iney ka hortagen Weerar culus oo ay qorsheynayen koox xiriir la leh Daacish.

Booliska Kenya, ayaa waxay xabsiga dhigeen haweeney iyo saygeeda iyo haweeney kaloo labaad, iyadoo dhinaca kalana ay abaalmarin lacageed duldhigtay laba nin oo kale, isla-markaana baxsad ah.

Nin Soomaali ah,Xaaskiisa iyo gabar ay saaxibo ahaayen ayaa la xiray sida war saxaafadeedka.

Magacyada dadkan ayaa lagu sheegay Maxamed cabdi Cali oo dhaqtar ahaa,Xaaskiisa Nuseyba Maxamed Xaaji iyo gabar ay saaxibo ahaayen oo lagu magacaabo Faadumo Maxamed Xaanshi.

Bayaan uu soo saaray Taliska Booliska Amisom, ayaa waxaa lagu sheegay in xabsiga la dhigay Mohammed Abdi Ali, oo tababar caafimaad u joogay isbitaal ku yaala Kenya, waxaana loo xiray ku lug lahaanshaha shabakad argagaxiso, oo qorsheynaysay inay Kenya ka gaysato mid lamid ah weerarkii Westgate oo kale.

Bayaanka, ayaa lagu sheegay in ninkaasi uu ku hawlanaa falal xagjirnimo ah, sidoo kalana uu arday Kenyan ah ka caawiyay inay ku biiraan Xoogaga Daacish, ee ka dagaalama Libya iyo Suuriya.

Waxa jira warar kale oo sheegaya in ninkan Daacish looga yaqaanay Abu Ramzi Ashami balse weli lama xaqiijin karo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: