WAAJIDPRESS – 5 MAY 2016:
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan maamulka Puntiland uu maanta ka dhacay Boosaaso, waxaana iska hor imaadkaasi ka dhashay qasaaro.
Sida aan Wararka ku heleyno iska hor imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ilaalo u ahaa Taliyaha ciidanka Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow) iyo taliyaha ciidanka Booliska Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yusuf (Afgaduud).
Rasaastii ay is dhaafsadeen ciidamada kawada tirsan Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmay Wasiirkii Amniga Maamulka Puntland Cabdi Xirsi Qarjab (oo baryihii dambe caadeystey in uu u gafo Shacabka DIGIL IYO MIRIFLE IYO KUWA KOONFUR GALBEED EE KU DHAQAN DEEGAANADA PUNTLAND) iyo waxaa kaloo ku dhaawacmey Gudoomiyaha Gobolka Bari.
Waxaa sidoo kale iska hor imaadka u dhaxeeyay Ciidamada Birmadka Maamulka Puntiland iyo kuwa Booliiska ku dhintay hal askari oo katirsanaa dhinacyadii dagaalamay halka ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale.
Magaalada Boosaaso ayaa aad looga dareemay iska hor imaadka maanta dhax maray Ciidamada kawada tirsan Maamulka Puntiland uu ku dhaawacmay Wasiirkii Amniga Maamulkaasi, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntiland – DAAWO:
U dhaaf Halcelis