War deg deg ah: Daacish-ta Somalia oo la shaaciyay awoodooda & Halka uu Hubka uga imaado

WAAJIDPRESS – 6 MAY 2016:

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Puntland (PIA) oo ay Dowladda Maraykanka taageerto, Cabdi Xasan Xuseen oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da ayaa sheegay inay Maleeshiyadda DAACISH ku kobcayaan Goballadda Puntland, isla markaana ay Taageero Dhaqaale iyo Milliteri ka helaan dalka Yemen.

Waxa uu tilmaamay in tirada Kooxda Daacish lagu asaasay bishii Oktober ee sannadkii hore u dhexeysay 20 ilaa 30 qof, balse markii loo furay Xerooyin Tababar, lana qoray Dagaalyahanno badan ay ay haatan tiradoodu gaarayso 100 ilaa 150 Dagaalyahan.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Puntland (PIA), Cabdi Xasan Xuseen waxa kaloo uu Wareysigiisa ku qeexay in Faraca Daacish ee Somalia la soo dhaweeyey, isla markaana ay sahaydu ka soo gaarayso Kooxda ay jaalka yihiin ee ku sugan dalka Yemen.

“Waxay Yemen ka heleen qalab Milliteri oo ay ku jiraan Hub, Labis, iyadoo Daacish Tababarayaal soo kormeera Saldhigyadda ay ku leeyihiin gudaha Somalia” ayuu yiri Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PIA), oo intaasi ku daray inay Maraakiib wada shixnad hub wada looga soo diray magaalladda Mukallah ee Gobalka Xadarmuud ee dalka Yemen.

daacish1Waxa uu tilmaamay inay Maraakiib waday shixnado hub ah soo gaareen Xeebta Badda Cas ee Somalia bilihii Feberaayo iyo Maarso ee sannadkan.

Agaasimihii hore ee Sirdoonka Puntland, waxa uu sheegay inay jiraan caddaymo muujinayo inay Kooxda Daacish ee ku sugan Puntland taageero Dhaqaale ka helaan Daacish, taasina ay muujinayso sida ay u gadanayaan Hubka, Gaadiidka, Xoolaha, isla markaana ay u maalgelinayaan Bulshooyinka, isla markaana ay biyo u dhaamiyaan dadka ku nool deggan Deegaanadda ay Abaaruhu waxyeeleeyeen.

sheekh a.muuminDhinaca kale, waxa uu Mas’uulkaasi si kulul u naqdiyey Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda, oo uu sheegay inaysan ku baraarugsanayn Khatarta ka soo fool leh Kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Sheekh C/qaadir Muumin.

Waxa uu ka digay inay Daacish ka khatar badan tahay Kooxda Alshabaab, isla markaana ay diyaar u yihiin Unugyadda fulin lahaa weeraro ay ka bilaabaan gudaha Somalia.

Ugu dambeyntii, Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Puntland (PIA), Cabdi Xasan Xuseen waxa uu sheegay inay Daacish haatan saldhig ku leeyihiin Buuraha Al-bari ee Puntland, halkaasi oo ay Tababaro u qaataan, iyagoo kor u haya Calanka ay isticmaalaam Maleeshiyadda Daacish.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: