DAAWO: BANAANBAX LAGU TAAGEEREY XILKA QAADISTII UU SUUBIYEY MADAXWEYNE XASSAN OO MUQDISHO KA DHACAY IYO SHARIIF XASSAN, CABDIWELLI GAAS IYO MADAXWEYNE XASSAN OO U DHOOFEY JABUUTI

WAAJIDPRESS – 7 MAY 2016:

image image image

Waxaa goordhaw Fagaaraha Dal Jirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho lagu qabtay banaanbax balaaran oo lagu taageerayay Wareegtadii uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xilka uga qaaday Gudoomiyihii Maxkamada Sare Caydiid Ilko-Xanaf.
Banaanbaxa ayaa sidoo kale lagu taageerayay Howlgalada ay Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan qeybo kamid ah dalka gaar ahaan howlgalka kasocda Gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Waxaa kasoo qeyb galay Banaanbaxa boqolaal Dadweyne ah oo ka kala yimid Degmooyinka gobolka Banaadir, waxa ayna dadkan wateen boorar lagu taageerayay Wareegtadii Madaxweynaha Soomaaliya iyo waliba astaanta calanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo katirsan Gobolka ayaa kasoo qeyb galay banaanbaxan goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana hadaladii laga jeediyay inta banaanbaxa socday lagu taageerayay howlgalka Sh/Dhaxe iyo Wareegtadii Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, oo ka hadlay banaanbaxa ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan isbadalka lagu sameeyay Maxkamada sare ee dalka sidoo kale ay taageerayaan howlgalka ay ciidamada Huwanta ah kawadaan Sh/Dhaxe.

Banaanbaxa Magaalada Muqdisho ka dhacay ayaa kusoo dhamaaday jawi aad u wanagasan, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka halka uu ka dhacayay bananabaxa .

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, Madaxweynaha KOONFUR GALBEED SHARIIF XASSAN, Madaxweynaha PUNTLAND  ayaa gaaray maanta  magaalada Jabuuti ee xarunta dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti.

Madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada  ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle kaddibna waxaa loo gelbiyay qasriga madaxtooyada ee dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo MAAMUL goboleedyada ayaa dalkaasi u tegay ka qeybgalka munaasabadda caleema saarka madaxweynaha dalkaasi, mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleeystay doorshadii madaxtinimada ee dhawaan ka dhacday dalkaasi.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: