War deg deg ah: Qarax lala eegtey Ciidamada PUNTLAND

WAAJIDPRESS – 7 MAY 2016:

Wararka inaga soo gaaraya Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, askari ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa ku geeriyooday halka mid kalena uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay halkaasi.

Labadan Askari oo lugeynaayay kuna sii jeeday Magaalada Boosaaso ayaa qaraxan lala eegtay, xilli uu roob da’aayay waxaana halkaasi ku dhintay mid ka mid ah Askarta.

Askariga kale ayaa dhaawacmay, iyadoo kolkii dambe gurmad ay ka heleen ciidamada Puntland ee Buuraha Galgala ku sugan, waxaana dhaawaca iyo meydka Askariga loo soo qaaday Magaalada Boosaaso.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland wax war ah kama soo bixin oo ku aadan dhibaatada soo gaartay labadaasi Askari.

Al Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen Qaraxaasi lala eegtay labada Askari ee midna uu ku dhintay midna uu ku dhaawacmay.

Ciidamada Puntland iyo Shabaab ayaa isku hor fadhiya Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, xilli halkaasi fariisimo kale ay ku leeyihiin Daacishta Somaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: