Nin qaba xanuunka dhimirka oo maanta aano qabiil loo dilay

WAAJIDPRESS – 8 MAR 2016:

Dhibanaha oo gaari BL ahaa laga saaray Deegaanka Shalambood, kuna sii jeeday Magaalada Marka, ayaa waxaa wadada u galay gaarigaasi maleeshiyaad hubeysan, kuwaa oo xoog gaariga ugala degay ninkii xanuunsanaayay.

Maleeshiyadan oo gaariga ku joojisay Deegaanka Buufow oo qiyaastii 3km u jirta Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa isla Deegaankaasi Buufow ku toogtay ninkaasi.

Gudoomiyaha Deegaanka Shalambood, Nuur Cismaan Raage oo ka hadlay dilka ninkaasi, ayaa wuxuu ku tilmaamay fal aad u fool xun, kana dhan ah bani’aadanimada.

Gudoomiyaha oo magaca ninkaasi ku soo koobay Faarax, ayaa wuxuu sheegay inuu ahaa nin xagga madaxa looga jiray, isagoo intaa ku daray in laga garanaayay Shalambood.

Isagoo la hadlaayay Warbaahinta gudaha, ayuu ku celceliyay inaanan loo baahnayn dilalka aanooyinka beelaha la xiriira, iyadoo beelaha isku haaya Gobolkaasi Shabellaha Hoose uu ugu yeeray inay ka waan-toobaan dhexdooda.

Laba ka mid ah beelaha wada degga Gobolkaasi, ayaa waxay caadeysteen inay joogteeyaan xiisadda u dhaxeyso, iyadoo marka xal loo helaba, ay beel ka mid ihi fashiliso.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay mid iska horkeenaaya beelaha wada degga Gobolka Shabellaha Hoose.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: