War deg deg ah: Qarax iyo Weerar ismidaamin ah oo maanta lagu qaadey Xarunta Taraafikada ee MUQDISHO

WAAJIDPRESS- 9 MAY 2016:

Visa-Trafico1 Visa-Trafico2 Visa-Trafico4

Weerar abaabulnaa ayaa saakay lagu qaaday Xarunta Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Gobolka Banaadir (Visa Trafico).

Jugta Qarax Xoogan ayaa goor dhaweyd laga maqlay Magaalada Muqdisho, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in qaraxaan uu ka dhacay Xarunta Visha Taraafiko ee Magaalada Muqdisho.

Xarunta Visha Taraafiko waxa ay ku taalla Degmada Shangaani, waxaana ay ku dhaw dahay Xarunta Safaarada Imaaraadka Carabta ee Magaalada Muqdisho.

Qiiq iyo Uuro ayaa la arkaayay, iyadoo qaraxa kadib ay xigtay rasaas xoogan oo la maqlaayay.

Waxay warar  ka soo baxaya sheegayaan in Qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo saaka 7:50 Daqiiqo subaxnimo  lagu weeraray Xarunta Visha Taraafiko ee Magaalada Muqdisho oo ku taal Degmada Shangani.

Ruux kaxaynaayay gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa la sheegay inuu kaga degay Irida hore ee xarunta Visha Taraafiko, waxaana ciidanka ay toogteen ruuxaasi kolkii uu gaariga ka degay, kadibna durba waxaa qarxay gaariga.

Afhayeenka Gobolka Banaadir CabdiFataax Xalane wuxuu sheegey in Qaraxa  ay 5 ruux ay ku dhinteen Qaraxaasi oo labo ruux ay yihiin shacab halka ruuxa kalena uu yahay kii ciidanka ay toogteen ee gaariga kaxeynaayay.

Dhaawacyo 15 ruux gaaraya ayaa ka dhashay qaraxaasi gaariga loo adeegsaday ee lagu weeraray Xarunta Visha Taraafiko.

Afhayeenka, ayaa yiri “Laba nin oo Al Shabaab ah watayna gaari Kaarib ah ayaa qarax kusoo weeraray xarunta ciidanka Waddoyinka ee magaalada Muqdisho, gaarigii ayeey Albaabka ku qarxiyeen waxaa halkaasi ku dhimatay saddex askari oo ciidanka Waddooyinka ah.”

Waxaa uu intaa ku daray “Labadii nin mid wuu is qarxiyey mid kalena isaga oo doonayey inuu gudaha galo oo uu wax laayo ay kahor tageen ciidankii halkaasi ku sugnaa oo ay iyagu ay toogteen.”

Xuseen Ibraahim Macalin oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa wuxuu sheegay in wiil uu adeer u ahaa, laguna magacaabi jiray Saleebaan C/laahi uu ku dhintay qaraxaasi. Saleebaan wuxuu mehrad ganacsi ku haystay xeendaabka Xarunta Visa Trafico.

Xoogaga Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada Qaraxan lagu weeraray Xarunta Taraafikada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: