WAAJIDPRESS – 10 MAY 2016:
Waxaa maanta magaalada Kismaayo si weyn loogu soo dhaweeyay Suldaan Fiqi Axmed Fiqi oo ah Suldaanka Beesha Tunni ee ka tirsan BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE.
Suldaan ayaa Garoonka magaalada Kismaayo waxaa uga hortagay Ciidamo u dhashey Beesha Tunni ee Digil iyo Mirifle , Bulshada beesha Tunni ee Jubbaland iyo Waxgaradka beesha ku dhaqan Kismaayo, kuwaasi oo si weyn Suldaanka Beesha Tunni si weyn u soo dhaweeyay.
Soo dhaweyn ka dib waxaa warbaahinta la hadlay Cumar Mx’ed oo ka mid ah Waxgaradka Jubbaland,isagoo sheegay iney ku faraxsan yihiin soo dhaweyna Suldaan Fiqi oo maamuus weyn ku dhex leh Bulshada Jubbaland – DAAWO:
Advertisements
U dhaaf Halcelis