War deg deg ah: Shaqaale ka mid ah Garoonka Aadan Cadde oo Muqdisho lagu dilay

WAAJIDPRESS – 10 MAY 2016:

Wararka ka imaanaya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan xuduuda u dhaxeysa Wadajir iyo Degmada Dharkiinley ayaa sheegaya in rag hubaysan saaka aroortii halkaasi ay ku dileen ruux ka shaqeeya Garoonka Aadan Cadde.

Dilka ruuxaan ayaa yimid kadib markii uu ka soo baxay Masaajidka oo uu ku soo tukaday Salaada Subax, kadibna rag hubaysan oo Mooto wata ayaa dilay ninkaasi.

Ninka la dilay oo magaciisa aysan helin Warbaahinta ayaa la sheegay inuu ka shaqeynaayay Garoonka Aadan Cadde, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka Xaafada ay wada daganaayeen.

Meydka Marxuumka la dilay ayaa goobta laga qaaday, waxaana la dhigay Hooygiisa, iyadoo dilka kadib goobta ay soo gaareen ciidamada ammaanka Dowladda.

Ragga falka dilka ah fuliyay oo watay Mooto labo lugood leh ayaa ka baxsaday goobtii ay ku dileen Marxuumka.

Muddooyinkaan waxaa soo badanaya ragga dilalka qorsheysan ku fuliya Mootooyinka, xilli shalay Muqdisho lagu qabtay rag watay Mooto oo dil geystay.

Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley ayaa waxaa ka dhaca dilalka ugu badan ee Muqdisho ka dhaca.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: