Ethiopia oo dhexdhexaadineysa Maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca

WAAJIDPRESS – 11 MAY 2016:

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali (Socdaal) oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in haatan ay socdaan dadaallo la xiriira wadahadallo u furmi doona maamullada Galmudug iyo Gobollada Dhexe, iyadoo heshiiska labada dhinac ay garwadeen ka tahay Dowladda Ethiopia sida Wasiirka uu sheegay.

Cismaan Socdaal Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in guul laga gaaro wadahadallada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaca si Gobollada dhexe bulshadeeda ay u helaan maamul mid ah islamarkaana ka shaqeeya, danaha iyo horumarka shacabka Galmudug.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan Dadaalada Wadahadalladaan la sheegay in loo furayo Galmudug iyo maamulka Gobollada dhexe ee ka soo baxay dhanka Ahlusunna Waljamaaca kuwaas oo horay u sheegay in aysan wax wadahadal ah la galeynin maamulka Galmudug.

Si kastaba Gobollada dhexe oo looga dhawaaqay maamulka Dowladda dhexe iyo beesha Caalamka ay aqoonsanyihiin ee Galmudug ayaa hadana waxaa qeybo kala duwan oo ka mid ah kala maamula Ahlusunna Waljamaaca iyo dhanka kale Al Shabaab.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: