Xukuumadda Somaliya oo ka digtay in la Boobo Hantida Qaranka inta lagu jiro xiliga kala guurka

WAAJIDPRESS – 11 MAY 2016:

Iyadoo waqtiga Dowladda uu maraayo meel gabo gabo ah, islamarkaana la filaayo dalka inuu ka dhaco isbedel, ayaa Xukuumadda Somaliya waxa ay ka digtay in Boob lagu sameeyo Hantida Qaranka uu leeyahay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay inay jiraan dad qaarkood oo ku fekeraya inay boobaan hantida Qaranka, maadaama dalka isbedel uu galaayo.

Wuxuu sheegay inaysan jirin wax la yiraahdo kala guur oo lagu baneysto Hantida Qaranka uu leeyahay ee shacabka loogu adeego.

Waxaan inoo balan ah qof kasta oo idin ka mid ah Hantida uu haayo inuu ilaaliyo oo ay timaado in iyadoo la wareejin karo oo Xukuumadda cusub lagu wareejinaayo ay timaado, wax kala guur la dhaho ma jirto hantidaan Qaranka ayaa leh Dowladda cusub sideeda ayaa loogu wareejinayaa.” Ayuu yiri Maxamed Cumar Carte.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa masuuliyiinta Dowladda wuxuu kula dar daarmay inay ku fara adeegaan hantida Qaranka uu leeyahay ee ay gacanta ku hayaan, waxaana uu sheegay in masuul Dowladeed uusan ku kici karin fal boob hanti Qaran ah.

Inta badan xilliga kala guurka ayaa masuuliyiinta Dowladda ee xafiiska ka tagaya waxa ay sameyaan inay horay u sii qaataan waxyaabaha Qaranka loogu adeegaayo, taasi oo muujinaysa inay tahay boob hanta Qaran.

Xubnaha Dowladda qaarkood ayaananba ogeyn Shaqada iyo Agabka ay ku shaqeynayaan inay tahay mid qaran, balse u haysta inay tahay mid gaar loo leeyahay, iyadoo inta badan dhacda gaadiidka in shaqsiyaad ay horay u sii qaataan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: