John Kerry oo Kenya kaga digay inay xirto xeryaha qaxootiga ee Degmada Dhadhaab

WAAJIDPRESS – 12 MAY 2016:

John Kerry, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wuxuu Kenya uu kaga digay inay xirto xeryaha qaxootiga, ee ku yaala Degmada Dhadhaab Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Dowladda Kenya, ayaa waxay Arbacadii ku dhawaaqday in bisha November ay si buuxdo u xiri doonto xeryaha qaxootiga, iyadoona magacawday guddi ka shaqeeya sidii qaxootiga loogu celin lahaa dalkooda.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa wuxuu Kenya uu ugu yeeray inay ilaaliso shuruucda caalamiga ah, ee qeexaaya inaanan si khasab ihi lagu celin karin qaxootiga isaga soo cararay colaadaha.

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in Dowladda Kenya ay ilaaliso heshiiskii saddex geesoodka ahaa, ee sanadkii 2013-ka ay Magaalada Nairobi kula gaartay Dowladda Somaliya iyo Hay’adda UNHCR, oo Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

John Kerry, ayaa wuxuu Xukuumadda Nairobi uu ku adkeeyay in UNHCR ay kala shaqayso, sidii si iskood ah qaxootiga loogu celin lahaa dalkooda.

John Kerrry, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Mareykanku uu Kenya kala shaqeeyay kaalmada bani’aadanimo, ee ay u baahan yihiin qaxootiga ku xareysan xeryaha Dhadhaab.

Hay’adda UNHCR, ayaa waxay qaadacday go’aanka Kenya ee ah inay soo afjari doonto sii furnaanshaha xeryaha Dhadhaab, muddo ku dhow 25 sano.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: