ku Dhawaad 400 oo tahriibayaal ah oo lagu la’ yahay xeebaha dalka Talyaaniga

WAAJIDPRESS -12 MAY 2016:

Wararka ka imanaya dalka Masar ayaa sheegayq in la weysan yahay dooni ay saarnaayeen tahriibayaal doonayay in ay galaan dalka Talyaaniga iyadoo inta badan dadkaasi oo tiradooda lagu sheegay 390 ruux ayaa waxa ay ahaayeen dhalinyaro Soomaali ah.

Sida aan ka soo xiganay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee Sonna doontaan ayaa ka baxday xeebaha Masar waxaa saarnaa ilaa iyo 390-ruux oo ay Soomaali badan ku jiraan sida ay u xaqiijiyeen SONNA dad ku sugan dalka Masar.

“Muddo 15 maalmood ah ayaan wax war ah ka helin dadka saaran doontan waxaana aan ka baqeynaa in doontu ay la degtay.”ayay yiraahdeen qaar ka mid ah ehelada dadka saaran doontan oo ku sugan dalka Masar.

Qaar ka mid ah waalidiinta tahriibayaasha waxay aad kaga walaacsan yihiin xaalada dadkooda oo aysan nolol iyo geeri midna ku haynin.

Dhowaan ayaa tahriibayaal Soomaali ah oo ka tegey dalka Masar waxaa ay ku dhinteen inta u dhexeysa dalka Masar iyo wadanka Talyaaniga kadib markii ay degtey doonti ay saarnaayeen.

Hase yeeshee waxaa ku sugan dalal badan oo caalamka ah dhalinyaro badan oo Soomaali ah kuwaasoo doonaya in ay gaaraan qaarada Yurub.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhowaaqday in kahortagi doonto dhalinyarada dooneysa inay dalka ka baxaan iyago u tahriibaya Qaarada Yurub.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: