Faah Faahin dagaal uu ku dhaawacmay Duqa Magaalada Buuloburte oo ka dhacay duleedka degmadaas

WAAJIDPRESS – 14 MAY 2016:

Guddoomiyaha Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan Cabdicasiis Duurow oo idaacadaha WAAJIDPRESS iyo Shabelle la hadlay ayaa ka warbixiyay Dagaal Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dagaalamayaasha Al Shabaab ku dhexmaray duleedka degmadaasi.
Deegaanada dagaalka uu ka dhacay sida Guddoomiyaha Buuloburte uu xaqiijiyay waxaa ka mid ah Ceyn iyo Geedo Samo.

Labo sarkaal oo mid uu ahaa Amiirka deegaanada ku dhow dhow Buuloburte u qaabilsanaa laguna Magacaabi Jiray Xiireey iyo Sarkaal kale oo diiwaan galinta u qaabilsanaa waan dilnay, oo meydkooda Buuloburte ayey hadda yaalaan adduunkoo dhan ayaan u bandhigeynaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Buuloburte.

Sidoo kale warar ay heleyso Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegaya in dagaalkaas ka dhacay duleedka degmada Buuloburte uu dhaawac ka soo gaaray duqa Magaalada Buuloburte Cismaan Geedi islamarkaana gaari uu lahaa ay kaxeysteen Al Shabaab.

Ma jiro dhinacooda wax war ah oo Al Shabaab ay ka soo saareen sheegashada maamulka Buuloburte ee dilka Saraakiishooda la sheegay in loogu geystay duleedka degmada Buuloburte.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: