War deg deg ah: Ururka AL- SHABAAB oo maanta Weerarey Magaalada BAARDHEERE iyo tuulada Halgan EE gobolka HIIRAAN

WAAJIDPRESS – 16 MAY 2016:

Baardheere – Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in weerar Hubeysan ay maanta ku qaadeen Garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Weerarkaas ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay daba socdeen Madaafiic lagu garaacay Garoonkaasi Magaalada Baardheere ee ay degan yihiin Ciidamada Ethiopia.

Weli Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay weerarkaas lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Col Maxamuud Guhaad Tima Jilac oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan degmadaasi Baardheere oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay weerarka Al Shabaab ay ku qaadeen Air-Portka Baardheere kaas oo tilmaamay in 6 dagaalyahan ay ka dhinteen 2 ka mid ah Dagaalamayaashii Al Shabaab ee weerarkaas soo qaaday gacanta iyaguna lagu dhigay lana soo bandhigi doono dhawaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Xoogagga Al-shabaab, ayaa lagu waramayaa inay weerar xoogan xalay ku qaadeen fariisimo ciidammada dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Afrikaa ee AMISOM ku lahaayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Goob joogayaal aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab dhowr jiho ka soo weerareen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.

“Dagaalka muddo ayuu qaatay, waxaan maqlneynay dhawaqa rasaasta ay labada dhinac is-weydaarsaneyeen, dabcan khasaaraha soo kala gaaray ma garan karo Aniga,” ayuu yiri.

Laakiin mas’uuliyiinta maamulka degmada ayaa ku tilmaamay dagaalka mid aan sidaa u sii cusleyn, dhinaca kalana jirin wax khasaaraha oo uu geystay.

Dagaalkaan xalay ka dhacay Halgan, ayaa imaanaya xilli maalin ka hor Dulleedka Buula-burte dagaal culus ku dhaxmaray ciidammada dowladda oo gacan militari ka helaya kuwa howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab, waxaana dagaalkaa ku naf waayay ilaa 7 ruux oo ka kala tirsanaa dhinacyadii iska horimaadku dhaxmaray.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: