Ciidamada Nabad Suggida oo toogtay ruux qof shacab ah dilay, Qaraxna ku weeraray ciidanka

WAAJIDPRESS – 18 MAY 2016:

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa xalay Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku toogteen nin la sheegay inuu dilay ruux shacab ah oo ku sugnaa Degmadaasi.

Ninkaan oo watay Bistoolad iyo Bam gacmeed ayaa ruux shacab ah ku dilay Degmadaasi, waxaana durba dabagalay oo ceyrsaday ciidamada ammaanka Somaliya, iyadoo ninkaan uu diiday inuu isku dhiibo ciidamada.

Intii lagu guda jiray ceyrsashada ruuxaasi ayaa wuxuu ciidamada ku soo tuuray Bam gacmeed sida Saraakiisha ay sheegeen ay ku dhaawacantay Haweenay hor fadhiday aqalkeeda Degmada Heliwaa.

Intaasi kadib ciidamada Nabad Suggida ayaa ninkaasi toogasho ku dilay, kadib markii uu diiday inuu isku dhiibo ciidamada, sidoo kalena ay suurageli weyday si nabad ah in gacanta loogu soo dhigo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay ciidamada inay toogteen ninkaasi kadib markii uu is dhiibi waayay.

“Degmada Heliwaa waxaa ka dhacay nin bastoolad iyo Bam gacmeed wata ayaa nin shacab ah Dilay, kadib ciidanka Amniga ayaa Ceyrsaday, Bam ayuu ku soo tuuray Gabar kamid ah dad banaanka ku sheekeysanaayay ayaa ku dhaawacantay, markuu isdhiibi waayayna ciidamada ayaa toogay.”ayuu Yiri Xalane oo la hadlay Wakaalada SONNA.

Ciidamada ammaanka Somaliya ayaa xilliyada habeenkii waxa ay ku guda jiraan feejignaan dhanka ammaanka ku saabsan, iyagoo iska ilaalinaya qataraha amni ee Shabaabka maleegayaan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: