War deg deg ah: ODAYAASHA, MALAAQYADA, XILDHIBAANADA FEDERAALKA BEELWEYNTA DIGIL IYO MIRIFLE IYO WASIIRADA KOONFUR GALBEED OO SHIR JARAA’ID KU QABTEY BAYDHABA OO SI CAD UGA SOO HORJEESTEY DHISIDA AQALKA SARE WAKHTIGAN

IMG_25F71E-AE3EC2-7EF674-7FD2ED-1AC877-689793 heshiiska-dowlada-iyo-odayaasha-32 DSCF5911  DSC00505

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

KGS

WAAJIDPRESS – 17 MAY 2016:

Kulan ay wada yeesheen Gollaha Malaaqyada , Gollaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaliaya, Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo Gollaha Badbaadada Koonfur Galbeed  ayaa manta ka dhacey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, Isla markaana ah Xarunta Dowlad Goboleedka KOONFUR GALBEED.

Kulankani ayaa waxaa ka qeybgaley dhamaan 36-da Malaaq ee BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE, dood dheer ka dib ayaa go’aano laga soo saarey loona akhriyey Saxaafada dalka iyo dibadiisa, Qodobada la wada qaateyna waa sida soo socota:

  1. In la qaadaco Qorshaha Aqal  sare  ee la leeyahay Degmo iyo Gobal ayaa lagu qaybinayaa , taasoo si wadajir ah loo diidey Fikirka Aqal  Sare , dhamaan xubnaha Golayaasha waxay isku raaceen in ay Soomaalida ay wax ku qaybsadaan 4.5 inta laga gaaraye hal cod hal Qof
  2. in la difaaco  Xasuuqa lagu hayo Dadka Gobalaka Shabeelada Hoose , dowlada Federaalka ay fargilinta ka joojiso
  3. in aysan jirin wax layiraahdo Bakool Sare , ee ay jirto  hal Bakool.

Gebagebadii waxaa la isku raacey in shir jaraaid ay qabtaan Masuuliyiinta Golaha Malaaqyada , Golaha badbaadada KG iyo Golaha aqoonyahanada, waxaan loo xilsaarey inay ka hadlaan Masuuliyiinta Kala ah : 1. Malaaq Cabdirishiid sheekh Cabdisalaan , Malaaqa Yuusuf Cabdiyow , Afhayeen Golaha Malaaqyada Maxamed yaaquub Deerow iyo waxaa kaloo ka hadley Gudoomiye ku xigeenka Golaha badbaadada Koonfur Galbeed Dr. Idriss Cabdi Dhaqtar , waxaana si buuxda loogu horyimid wax layiraahdo golha Aqalka sare iyo in ladifaaco shabeelada hoose oo ay ka socdaan Xasuuq , kufsi iyo dhac Joogta ah , taasoo socatey Muddo 25 sano .

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: