Xubnaha Golaha Ammaanka oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay masuuliyiin ka tirsan Dowladda

WAAJIDPRESS – 19 MAY 2016:

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta laga sugaayay inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Xubnahan ayaa markii ay yimaadeen Magaalada Muqdisho, waxa ay kulamo la qaateen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib oo kula kulmay Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare ku xigenka dalka ayaa xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu warbixin ka siiyay, halka ay mareyso Diyaargarowga loogu jiro Doorashada la filaayo inay dalka ka dhacdo sanadkaan gudihiisa.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo maanka ku haya imaanshaha xubnahan ayaa durba tagay Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay kula hadlayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta oo Khamiis ah Ajandaha Shirkooda wuxuu yahay ka hadalka Shuruucda ku aadan arimaha Doorashooyinka dalka.

Wararka xarunta golaha shacabka imaanaya ayaa sheegaya in ilaa 60 mudane ay is qoreen kuwaas oo doonaya in ay fikirkooda ka dhiibtaan sharciga suurtagelinta doorashada dadban ee dalka.

Marka la eego Wafdigan ka socda Golaha ammaanka ee Muqdisho u yimid kormeerka sida qaban qaabada Doorashada u socoto iyo waxa isku soo aadaya Baarlamaanka Somaliya oo maanta ka hadlaya arimaha ku aadan Sharciga Doorashooyinka oo muddooyinkii dambe aysan ka hadlin Xildhibaanada.

Dowladda Somaliya ayaa waxaa lagu adkeynayaa in dalka ay Doorasho ka dhacdo sanadkaan, Doorashadaasi oo noqonaysa mid dadban.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: