Weerar argagaxiso oo lagu qaaday Masaajid ku yaala Koonfurta Wadanka Tanzania

WAAJIDPRESS – 20 MAY 2016:

Masaajidka la weeraray oo lagu magacaabo Rahmani, ayaa wuxuu ku yaala Magaalada Mwanza. Weerarkan ayaa loo adeegsaday baangado iyo faasas.

15 nin oo wejiyada soo duubtay, ayaa xilligii Salaadda Cishaha ee xalay weeraray Masaajidkaasi, waxayna ku dileen saddex qof, halka afar kalana ay ku dhaawaceen.

Dadka weerarkan lagu dilay, ayaa waxaa ku jira Imaamkii Masaajidka oo lagu magacaabi jiray Ferouz Ismail Elias. Imaamka ayaa u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo ka soo gaaray baangado lala dhacay.

Goobjoogayaal, ayaa sheegay raggii weerarka soo qaaday oo wejiyada soo qarsaday in ay dadka weydiinayaan sababta ay u tukanayaan.

Booliska Tanzania, ayaa waxay weerarkan ku sheegeen fal argagaxiso, isla-markaana aanay garanayn baahida keentay in la weeraro Masaajidkaasi.

Afhayeen u hadlay Booliska, ayaa xaqiijiyay in falkaasi loo soo xiray saddex qof oo lala xiriirinaayo 15-kii nin ee weerarka soo qaaday, laamaha ammaankuna ay su’aalo weydiinayaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Tanzania, Charles Kitwanga, ayaa waxaa uu xaqiijiyay in uu bilowday baaritaan ka dhan ah kuwii weeraray Masaajidka Rahmani.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, balse waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo Tanzania ay si sharci darro ihi xabsiyada ugu hayso Muslimiin badan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: