War deg deg ah: Akhriso then DAAWO: Madaxweynaha Puntland OO tanaasulaat suubiyey iyo Shirkii Baarlamanka Somalia ee Geedi-socodka Doorashada oo dib loo dhigay iyo Kulamo Hoos hoos ah OO ka socda Xarunta Gudoomiye Jawaari

WAAJIDPRESS – 21 MAY 2016:

Kulankii Baarlamanka Soomaaliya ee ay maanta uga doodi lahaayeen Hannaanka Doorashooyinka 2016-ka, ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka uu Xildhibaanada ka dalbaday inay fursad siiyaan shirar u socda Mas’uuliyiinta Madasha Wada-tashiga Qaran.

Gudoomiye Prof. Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] ayaa xildhibaannada Baarlamaanka u sheegay in dib loo dhigay kulanka baarlamaanka muddo laba casho ah, iyadoo Arrimaha ugu waaweyn ee la isku hayo kuna heshiiska Doorashooyinka go’aan cad laga gaarayo.

Sidoo kale, Jawaari, ayaa xusay in in Muqdisho ay uga socdaan kulamo Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ee Somalia, isla markaana kulammadaas fursad la siiyo, si looga gaaro go’aan qodobbada la isku hayo ee heshiiskan ku jira.

Qodobada laga hadley Ayaa ka mid ah in laga tago dhismaha Aqalka Sarre kaas OO keeni Kara khilaaf adag OO horleh, doorashadana lagu galo hanaanka Baarlamaanka kaliya, arintani ayaa waxaa soo jeediyey M/weynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeedka, Guddoonka baarlamaanka & Dawladda Faderaalka oo door-bidey isla markaana taageertey.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland CABDIWELLI GAAS  oo SHIR gaar ah la qaatey Gudoomiye Jawaari Ayaa la sheegayaa in Mr. Gaas uu ka aqbaley Gudoomiyaha in uu tanaasulaat ay Puntland suubiso si khilaafka looga gudbo.

Madaxweynaha Puntland iyo Gudoominaha Baarlamaanka SOOMAALIYA Prof. Jawaari Ayaa shir JARAA’ID qaban doona maalmaha soo socda, shirkaasi oo KU saabsanaan doono in Puntland ay tanaasul suubin doonto, iyadoo ay hadda khilaafka wadanka ka taagan ay Puntland mas’uul ka tahay – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: