Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta mar kale ka doodaya hanaanka doorashada 2016

WAAJIDPRESS – 21 MAY 2016:

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah mar kale ka doodi doona sharciga lagu fulinayo doorashada dadban ee qorshuhu yahay in bisha Agosto ee sanadkan uu ka dhaco dalka.

Kulanka maanta ayaa daba socda kulankii khamiistii ee Xildhibaanada Baarlamaanka loogu qeybiyay sharciga doorashooyinka ee ay dib u eegista ku soo sameeyeen Guddigii Baarlamaanka uu u xil saaray.

Guddigan ayaa wax ka bedel ku sameeyay qodobada qaar ee ku xusnaa go’aamadii ka soo baxay Madasha wadatashiga qaran ee ku saabsanaa qaabka ay u dhaceyso doorashada sanadkan.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah hab-dhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka maanta Xildhibaanada ay ka doodi doonaan sharciga lagu fulinayo doorashada, waxaana uu xusay in dooda soo dhamaato, waqtina la helo cod loo qaadi doono.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: