DEG DEG: Akhriso then DAAWO: khilaaf cusub: Madaxweyne Xasan oo Xeer Madaxweyne ku ansixiyay Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qara

WAAJIDPRESS – 22 MAY 2016:

Madaxweyne Xassan Sheekh oo sharciga jebiyey isla markaana maanta shaaciyay in laga maarmay Baarlamaanka uuna ansixiyay heshiiskii lagu gaaray Garowe ee lagu xaqiray xaquuqda Xamar iyo tan Saxiixa Xildhibaanadda.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka Saxaafadda kula hadlay Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegay inuu Xeer Madaxweyne ku ansixiyay Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee ay wada gaareen Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboledyada ee dalka ka jira.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay Baarlamaanka Federalka Somaliya inay ku cuslaatay arinta ku aadan ansixinta Heshiiskaasi, sidaasi awgeed Heshiiska maanta kadib uu yahay ansax oo Xeer Madaxweyne lagu ansixiyay.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliya Daa’ud Aweys Jaamac ayaa Saxaafadda u Aqriyay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran ee Madaxweynaha ansixiyay, kaasi oo ahaa kii ay dib u eegista ku sameeyeen Guddigii Xildhibaanada ee 27-ka koobnaa – DAAWO khilaaf cusub:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: