War deg deg ah: Xildhibaanada badankooda OO hadda KU DHAWAAQEY in ay ka soo horjeesteen go’aankii uu iska qaatey Madaxweynaha

WAAJIDPRESS – 22 MAY 2016:

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta  si weyn uga hor yimid xeerka madaxweyne Xasan Sheekh saaka soo saaray ee uu kula wareegay awoodii Baarlamaanka isagoo ansixiyay heshiiskii Madasha Qaran ee qaabka doorashada.

Idaacadaha Ayaa la hadley afhayeenka Xildhibaanadaasi OO la yiraah Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay madaxweynaha Soomaaliya ku riixday go’aan khaldan inuu qaato, wuxuuna caddeeyay in tallaabada madaxweynaha ay tahay sharci darro.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo aad uga careysan xeerka uu soo saaray Xasan Sheekh ayaa kulamo gaara uga bilowday, waxaana jirta xiisad xoog leh iyadoo Baarlamaanka intiisa badan ay diidan yihiin xeerka Madaxweyne.

Waxa laga cabsi qabaa in khilaaf cusub ka dhex bilowdo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo xaalada kala guurka ah ay ku dhamaato herdan siyaasadeed.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: