CIIDAMADA KENYA OO MAANTA DHOOBLEY LAGU WEERAREY

WAAJIDPRESS – 24 MAY 2016:

Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta duleedka Degmadaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland oo gacan ka helayay Ciidamada Kenya iyo Dagaalyahanada Al-Shabaab.
Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan badan ayaa qarxay kadib markii Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo Gaadiid ah oo ka baxay Degmada Dhoobley kuna sii jeeday Deegaanka Taabto oo saldhig ciidan ku leeyihiin AMISOM.
Sida aan Wararka ku helnay dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka culus , waxaana jira qasaaro xoogan oo dagaalka ka dhashay inkastoo aan si rasmi ah loo heyn, waxaa sidoo kale Wararku sheegayaan in gaadiid dagaal lagu gubay dagaalkaasi.
Goobihii lagu dagaalamay aya wali lga maqlaya arasaas goos goos ah, walina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee maanta lagu weeraray duleedka Degmada Dhoobley.
Dagaalyananada Al-Shabaab ayaa inta badan Weeraro dabo gal ah waxa ay ku qaadaan Ciidamada Jubbaland iyp kuwa AMISOM gaar ahaan kuwa kasocda Kenya ee ku sugan Qeybo kamid ah Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: