Agaasimaha Idaacada Goobjoog oo Xarunta CID lagu xiray

WAAJIDPRESS – 25 MAY 2016:

Agaasimaha Idaacada Goobjoog Xasan Maxamuud, ayaa goor dhaw lagu xiray magaalada Muqdisho, kadib markii looga yeeray Xarunta CID.

Xubno ka tirsan Shaqaalaha Idaacada Goobjoog ayaa Idaacadaha u sheegay in Agaasimaha Idaacada looga yeeray Xarunta CID, kadibna Xabsiga la dhigay.

Waxa ay sheegeen Shaqaalaha Goobjoog inaysan garaneyn sababta loo xiray Agaasimaha oo mar kaliya ay soo gaartay in CID lagu xiray.

Idaacada Goobjoog ayaa shalay wareysatay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug, oo ku xirnaa Xarunta CID ee Magaalada Muqdisho.

Arimaha loo xiray ayaa loo maleynayaa inay sabab u tahay Wareysiga ay ka qaadeen Idaacadaasi Xildhibaankaasi ku xiran Xarunta CID ee Muqdisho.

Laamaha ammaanka dalka ayaanana xaqdhowrin madax Banaanida Saxaafadda, iyadoo ciidamada ay tacadi kula kacaan dadka u warama Bulshada ee Suxufiyiinta.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: