Gaari ay la socdeen Ciidanka Puntland oo qarax lagula eegtay Buuraleyda Galgala

WAAJIDPRESS – 25 MAY 2016:

Mid ka mid ah gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka Puntland, ayaa waxaa uu maanta qarax ku haleelay Deegaanka Buuraleyda Galgala, oo 50km dhinaca koonfureed kaga toosan Magaalada Boosaaso.

Ciidankan oo ku soo sii jeeday Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa la sheegay in si lama fillaan ah uu qaraxaasi u haleelay, waxaana ku dhimatay laba askari, halka afar kalana ay ku dhaawacantay.

Askarta dhaawacantay, ayaa waxaa dhaawacyadooda la soo gaarsiiyay Isbitaalka Boosaaso, waxaana lagula tacaalayaa xaaladooda.

Saraakiisha Puntland, ayaan weli wax war ihi ka soo saarin qaraxa lala eegtay askarta ka tirsan Ciidanka loo yaqaano (PMPF), waxaase macquul ah in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.

Ciidanka Puntland, ayaa waxay xilliyada qaarkood weeraro gaadmo ah kala kulmaan xoogag ka tirsanaan jiray Shabaabka Galgala, balse markii dambe sheegtay in ay ku biireen Daacish.

Xoogaga taabacsan Dowladda Khilaafada Islaamka, ayaa mararka qaar weerara fariisimaha Ciidanka Puntland ku leeyihiin Buuraha Galgala.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: