War deg deg ah: Sida ay Sheegtey maanta idaacada VOA: Al-Shabaab oo la sheegay inay qorsheynayaan weeraro ay ku qaadaan xarumo muhiim ah

WAAJIDPRESS – 26 MAY 2016:

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay qorsheynayaan weeraro halis ah oo ay ku qaadaan xarumaha muhiimka ee dowladda, AMISOM, Hotelo iyo meelaha ay ka howl galaan hey’adaha reer galbeedka ku leeyihiin dalka, iyadoo ilo xaga ammaanka oo la helay ay muujinayaan qatar dhinaca weeraro argagixiso ah oo suura gal tahay.

Sida ay baahisay Idaacada VOA oo soo xiganeysa ilo wareedyo dhinaca ammaanka ah ayaa sheegaya in Al-Shabaab weerarada ay doonayaan inay uga aar-gutaan duqeymo iyo howl gallo dhowaanahan ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose oo lagu dilay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Goobaha laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay weeraraan waxaa ka mid ah garoomada diyaaradaha, gaadiidka hawada, xarumaha dowladda iyo hoteellada ay ku sugan yihiin ajaaniibta iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid laba maalmood kadib markii dawladda Maraykanka ay sidoo kale uga digtay muwaadiniinteeda inay booqdaan Soomaaliya sababtoo ah weerarro laga yaabo inay Al-Shabaab qaaddo.

Wararka ayaa tilmaamaya in Al-Shabaab ay qorsheynayaan inay kordhiyaan weerarada bisha Ramadaan oo ay haatan ka harsan tahay 10-cisho.

Si kastaba ha ahaatee Al-Shabaab ayaa sanadkii la soo dhaafay weeraray hotelo caan ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay weeraradaas saraakiil, xildhibaano iyo dad kale.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: