Xog: Duqii hore EE Degmada Galkacayo iyo Ethoipia oo isku dhegan…..

WAAJIDPRESS – 28 MAY 2016:

Duqii hore ee degmada Gaalkacyo oo warbaahinta Garowe la hadlay ayaa sheegay in xafiiska safaarada Ethiopia Garowe xoog ku heysto guri uu leeyahay oo ku yaala magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Saciid Cabdi Faarax, duqii hore ee degmada Gaalkacyo wuxuu sheegay in safaarada Ethiopia xafiiska magaalada Garowe ay diiday iney ka baxdo dhismaha guriga uu ku leeyahay magaalada Garowe, iyadoo hishiiska marka hore uu ahaa in waqtigii uu u baahdaa looga bixi doono.

“Safaarada Itobiya Waxay Xoog Ku Dagan Tahay Gurigeyga ku yaala Garoowe, Anigana Way ii Hanjabeen” ayuu intaa ku darey duqii hore EE Galkacayo.

Duqii Gaalkacyo ayaa sheegay in dacwada arintaasi la xiriirta uu gaarsiiyay dhamaan hayadaha ay quseyso ee maamulka Puntland, isagoo si rasmiya u sheegay ineysan ilaa iyo hadda wax u qaban sida uu hadalka u dhigay.

”Maxkamadu waxa aay sheegtay inay aniga i xirayso hadii aan dagaalamo, waxaan la iisheegay inaan la xiri karin shakhsi Itoobiyaan ah sababta oo ah Sharciga PUNTLAND ma qabanayo Mas’uuliyiinta Itoobiyaanka ee KU sugan deegaanadani” Ayuu Yiri Saciid Cabdi.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in hadda kadib uusan wax wadahadal ah gali doonin uuna qaadi doono talaabo kastaa oo uu kusoo dhacsan karo gurigiisa ku yaala Garowe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: