Archive for Juunyo, 2016

DAAWO; MADAXWEYNAHA MAAMULKA WAQOOYI BARI EE PUNTLAND Mr. CABDI CALI FAATAX OO SHEEGEY IN MAAMULKIISA UUSAN KA TIRSANEYN KAN PUNTLAND ISLA MARKAANA PUNTLAND JOOJISO CAMBURINTA AY KU HEYSO SHACABKA

Juunyo 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 JUN 2016:

 

MMadaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari soomaaliya Soomaaliya cali cabdi fatax ayaa Waraysi uu Siiyey Warbaahinta kenya – DAAWO:

Advertisements

DAAWO MUQAAL FADLIGA LEYLATULQADR AF MAAY Abdulbasid Sh Ibraahim

Juunyo 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 JUN 2016:

 

 

War deg deg ah: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Dib u Magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka (Akhriso)

Juunyo 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 JUN 2016:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markale soo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ka dib markii lagu diiday Guddigii uu soo magacaabay laba toddobaad ka hor.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Somaliya, ayuu ku soo magacaabay Guddigan oo ka kooban 22 xubnood, si ay garwadeen kaga noqdaan Doorashooyinka Guud ee sanadkan ka qabsoomaya dalka.

Guddigan 15 waxaa weeyan rag, halka 7-da kalana ay dumar yihiin, waxaana magacaabidoodu lagu saleeyay heer federaal iyo heer gobolba, sida ku cad wareegtadan.

Guddiga cusub ee uu soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa ay u badan yihiin Guddigii ee uu horey u soo magacaabay –

AKHRISO WAREEGTADA:

 

image image image

 

Daawo: EU iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Kullan Ku Dhexmarey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay

Juunyo 30, 2016

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2016:

simaha Madaxweynaha dowladda goboleedka Koofur Galbeed Soomaalitya ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Baydhabo waxaa uu ku qaabiley wefdi uu hogaaminayay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya.

Maxamed Xasan Fiqi, oo ah Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ahna ku simaha madaxweynaha koonfur Galbeed Soomaaliya iyo wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Micheal Corvine, ayaa ka wadahadlay arimo dhowr ah oo ay kamid tahay xaqiijinta amniga iyo arimaha doorashooyinka.

Kulanka ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan wasiirada koofur galbeed iyo guddoomiyaha baarlamaanka koofur galbeed mudane Lawyer C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye – DAAWO:

 

Daawo: Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Somalia Oo Daah Furay Qorshaha Dalka Lagu Hagayo Shanta Sano ee Soo Socota

Juunyo 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2016:

 

 

War deg deg ah: AKHRISO then DAAWO LABO VIDEO: AKHRISO SHARCIGII AY WASAARADA HAWEENKA GUDBISEY IYO CULIMADA IYO ODAYAASHA DHAQANKA OO KA SOO HORJEESTEY SHARCIGA JINSIGA OO AH IN RAGGA ISGUURSAN KARAAN AMA DUMARKA ISGUURSAN KARAAN OO AY DOWLADA ANSIXISEY

Juunyo 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2016:

 

CULIMADA IYO ODAYAASHA DHAQANKA OO KA SOO HORJEESTEY SHARCIGA JINSIGA OO AY XUKUUMADA ANSIXISEY, SHARCIGAASOO AH IN RAGGA IS GUURSAN KARAAN, DUMARKA ISGUURSAN KARAAN, GALMADA LAGU BARO ISKUULADA – AKHRISO COPY  NUQULKA SHARCIGA JINSIYADA AY WASAARADA HAWEENKA U GUDBISEY XUKUUMADA , ISLA BISHII MAY 2016 AY ANSIXISEY XUKUUMADA then – DAAWO LABO VIDEO:

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor timid Xeerka Jinsiga ee ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Soomaaliya,kaas oo ay Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ku tilmaantay mid Diinta ka hor imanaya.

Agaasimaha Waaxda Diinta Sheekh Cali Maxamuud Cali Dheere ayaa wareysi uu siiyay Warbaahinta,waxaa uu ku sheegay in Bayaanka ay soo saareen Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ee ku saabsanaa Xeerka ay Wasaaradda Haweenka u gudbisay Golaha Wasiirrada ee Khilaafsan Diinta ay Wasaaradda la qabto Culimada Bayaan kooda.

Sheekh Cali Dheere ayaa yiri “Wasiirradda Xeerka meel mariyay,kuwa gudbiyay iyo Baarlamaankaba ay Diinta ku dhasheen iyadana ka weyn tahay oo ay Sharciga hortagi doonaan haddii ay meelkaga dhacaan”.

qodobadda-faxshigga

AKHRISO HADDII AAD KO AKHRINTIISA KUGU ADKAATEY KA DIB DAAWO LABA VIDEO:

Maasuuliyada Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha 

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya waa mashiinka qaranka ee kor u qaadista sinaanta Genderka iyo awoodsiinta Haweenka Soomaaliyeed, sameynta, horumarinta iyo dhaqangalinta siyaasadaha iyo shuruucda lagu dhowrayo xuquuqda Haweenka iyo Carruurta Soomaaliyeed, waxaana markii ugu horeysey la aasaasay sanadkii 2002 xiligaasoo dalka uu yeeshay dowlad ku meel gaar ah.

Howlaha Balaaran ee Wasaarada waxaa ka mid ah:

  1. Kor u qaadista iyo taabagalinta sinaanta Ragga iyo Dumarka
  2. Awoodsiinta Haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda dalka ,guurka iyo furiinka.
  3. Daryeelka iyo hirgalinta barnaamijyada lagu taageerayo agoonta iyo carruurta nugul.
  4. Horumarinta Haweenka ganacsatada ah iyadoo loo marayo u abuurida haweenka ganacsiyo yar yar.
  5. Horumarinta, iyo hirgalinta Siyaasadaha iyo Shuruucda lagu dhowrayo xuquuqda Haweenka iyo Caruurta.
  6. U qareemida ansixinta Axdiyada caalamiga ah ee mamnuucaya xadgudubyada haweeenka loo geysto.
  7. Horumarinta Barnaamijyada wacyigalinta ah ee looga hortagayo tacadiyada dumarka iyo carruurta loogeysto Qoysaska saboolka ah.
  8. U ololeynta iyo horumarinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
  9. Xoriyad siinta guurka Jinsiyadda Rag iyo dumar sida isguursiga laba isku jinsiya.
  10. Xoriyad siinta bulshadda iyo in laga fogaado xukunadda Diiniga sida in qof dhagax lagu dilo marka uu la galmoodo qof uusan shareecadda Islaamka ku qabin.
  11. Xoriyad siin haweeneeyda laga dhinto ama la furo iney guursan karto ninka iyadoo la gelin curaar waqti [cudo]
  12. In Xarumaha Waxbarashadda lagu soo siyaadiyo maadooyin la xiriira wacyigelinta galmadda.
  13. In goobaha bulshadda sida Hoteladda loo ogolaado Cinjirka galmadda si looga hortago cuduradda halista ah ee Galmadda laga qaado sida HIV Aids.

 

  • In Masuuliyadda Caruurta lagala wareegi karo Aabaha gaar ahaan tan gabdhaha si ay uga badbaadaan gudniinka fircooniga iyo nin qasab loogu daro:

Hadabba, sameynta siyaasada Genderka ee heer qaran waxay ku soo aadey xili ay Soomaaliya ka soo baxdey in ka badan labaatan sano oo dagaalo sokeeye la soo maray kuwaasoo bur-buriyey qaab dhismeedkii bulshada haddey noqon laheyd mid dhaqan, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

Dhaddiga iyo laboodka colaadu waxay u saameysey siyaabo kala duwan,inkastoo ay labaduba waayeen daryeelkii qaranka kaasoo horseedey burburka naf iyo maal farbadan. Waxaa muhiim ah in la tilmaamo colaadu in ay meesha ka saartey qiimihiii ay lahaayeen Ragga Soomaaliyeed, hase yeeshee, taasi kama saamaxeeyso in ay dayacaan doorkii ay ku laahaayeen bulshada.

Inkastoo dumarka Soomaaliyeed ay colaadu si daran u saameysey ragga laftiisu kama nabad gelin lakiin dumarka waxaa u dheeraa in ay la kulmeen dhibaatooyin dhinaca xuquuqul aadanaha ah sidda xadgudubyada ka dhanka ah haweenka.

inkastoo ay colaaduhu si ba’an u saameeyeen dumarka hadana haweenka Soomaliyeed waxa ay muujiyeen karti iyo adkeysi badan.Tussaale ahaan waxay noqdeen kuwa masaruufa qoysaskooda taasoo ah mas’uuliyad dheeraad ah oo dumarka soo food saartey si ay u badbaadiyaan jiilka soo koraya. Siddaas oo ay tahay waa la cadaadiyaa dumarka qeybna kuma lahan go’aamada lagama marmaanka ah ee looga arinsado arimaha dalka iyo dadka.

Colaadu waxay kaloo meesha ka saartey horumarkii laga sameeyey dhinacyada waxbarashada,caafimaadka, cadaaladda iyo shaqaaleynta, dagaalka sokeeye ka hor waxeyna sababtey isku dheeli tir la’aan xuquuqdii Allah siiyey labka iyo dheddiga. In laga hadlo isu dheelitir la’aanta xuquuqda labka iyo dheddigu waxa ay muhiim u tahay soo kabashada iyo horumarka nabad waarta.

Xiliyadii dhawaa waxa ay Soomaaliya ku talaabsatey horumar la taaban karo marka laga eego dhanka amaanka, waxbarashada, siyaasada cusub ee furfuran iyo kaalmooyin laga helay beesha caalamka kuwaas oo horseedey fursado siyaasadeed iyo kuwa dhaqan dhaqaaleba – DAAWO LABA VIDEO OO KU SAABSAN CULIMADA SOOMAALIYA OO KU DHAWAAQEY IN ARIMAHANI AY KA SOO HORJEEDO DIINTA SHARAFTA LEH EE  ISLAAMKA:

 

Dagaal ka dhacay gobolka Galgaduud

Juunyo 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2016:

Ugu yaraan 1 Ruux ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Dagaal Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Ethiopia iyo Xarakad Al Shabaab Xalay ku dhexmaray Duleedka Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Degamadaasi.
Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo gaaray dhinacyadii halkaasi ku Dagaalamay.
Xaalada goobihii lagu Dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in Saaka ay degan tahay inkastoo laga cabsi qabo in Al Shabaab ay markale weerar soo qaadaan.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab oo ku aadan Dagaalkii ka dhacay Duleedka Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Degaan u dhaxeeya Gobolada Sh.Hoose iyo Sh.Dhexe

Juunyo 29, 2016

WAAJIDPRESS – 29 JUN 2016:

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Diyaarado Dagaal oo Duqeymo xoogan ka fuliyay soohdinta kala qeybisa Gobolada Sh.Hoose iyo Sh.Dhexe, iyadoona aan la ogeyn halka laga leeyahay Diyaaradahaasi weerarka geystay.

Weerarkan Duqeynta ahaa ayaa waxuu ka dhacay Degaanka Maseerey oo gacanta ay ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Duqeyntan ayaa sida la sheegayo waxaa ku dhintay Xoolo badan iyo sidoo kale Dad xoolo dhaqato ahaa oo ku sugnaa Degaanka Maseerey.

Ujeedka Weerarkaasi ayaa lagu micneeyay in uu ahaa Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku sugan Degaanka Maseerey.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi laga fuliyay soohdinta kala qeybisa Gobolada Sh.Hoose iyo Sh.Dhexe.

Shalay ayee aheyd markii Diyaarado Dagaal  ay Duqeymo xoogan ka fuliyeen Degaano ka tirsan Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

War culus: Akhriso then DAAWO: CULIMADA Soomaaliya oo si kulul uga SOO horjeestey Sharciga Jinsiga oo ay Wasaarada Haweenka SOO saartey isla markaana Xukuumada iyo BAARLAMAANKA Ansixiyey

Juunyo 28, 2016

WAAJIDPRESS – 28 JUN 2016:

CULIMADA Soomaaliya oo maanta SHIR JARAA’ID KU qabtey Magaalada Muqdisho waxaa ay si kulul uga SOO horjeesteen Sharciyada Jinsiga oo ay Wasaarada Haweenka u gudbisey GOLAHA Wasiirada isla markaana la ansixiyey, sharicigaasoo ah :

1 – In DADKA isku Jinsiga ay is-guursan karaan – sida Haweenka is-guursan karaan ,  Ragana is guursan karaan.

2 – In Iskuulada lagu baro arimaha GALMADA la xiriira iyo isticmaalka (Protection) – Daawooyin iyo Kondomka iyo waxyaabaha la xiriira.

3 – In ay Dumarka iska furi Karto Ninkeeda.

4 – In Dumarka ay Xor tahay Markii la furo isla markaana aysan laheyn wax “CIDDO” ah.

5 – In Dumarka aan la Gudi Karin

iyo Qoondada Haweenka ee Siyaasadda Soomaaliya ee kuraasta loo qoondeeyey.

Sharcigani Jinsiyada ah Ayaa Xukuumada Cumar CABDIRASHIID ansixisey bishii MAY 2016.

Culimada ayaa duray Hay’adaha gadaal ka riixaya in Haweenka Soomaaliyeed ay Maamulka Siyaasadeed ee Dalka ay ku yeesheen Jagooyinka Sar sare, Waxaana ay si gaar ah Qaramada Midoobey iyo AMISOM ugu dhaliileen in ay Haweenka Fasahaadinayaan iyaga oo Kulamo lagu dhiirro gelinayo Zinada,Gudniinka lamamnuucay oo aan la kala soocin iyo Isu tagga Dadka isku jinsiga ah ku siinaya Siminnaaradda,waxaana ay ku dareen in ay dhiirro geliyaan in Casharro la xiriira Galmada lagu barto Dugsiyada Waxbarashada, arimahani oo markii dambe Wasaarada Haweenka ay ka dhigtey sharci.

Qodobada kale ee ay Culimada dhaleeceeyeen waxaa ka mid ah in Sharciyada Wasaaradda Haweenka gudbisay ee ay meel mariyeen Golaha Wasiirada ay wax u dhimayaan Diinta Islaamka,waxaana qodobadaas ka mid ah in Dumarku ay Xor yihiin marka laga dhinto,taa soo macnaheedu tahay in aysan lahayn Ciddo,in Gabadha isguurin karto,waxna furi karto.

Culimada waxaa ay baaq u direen Dowladda Soomaaliya,waxaana ay talo ku soo jeediyeen in arrimaha Haweenka ee Siyaasadda lagala tashto Culimada Soomaaliyeed,Odayaasha Dhaqanka iyo Aqoonyahanka – DAAWO:

War hadda Soo dhacay: Qasanajigii Wasaarada Gaadiidka Soomaaliya oo hadda Muqdisho lagu diley

Juunyo 28, 2016

WAAJIDPRESS – 28 JUN 2016:

 

Allaha u Naxariisee Waxaa Magaalada Muqdisho Galabta lagu dilay Qasnajigii Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya C/risaaq Cali Caanood Xilli uu ku sugnaa Xarunta Wasaaradda oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa Noo Xaqiijiyay in Qasnajiga uu dilay Mid kamid ah Ilaalada Wasaaradda Gaadiidka.

Inkastoo aan la ogeyn Sababta uu u dilay Askarigu Marxuun C/risaaq Cali Caanood ayaa Laamaha Ammaanka Soomaaliya waxaa ay wadaan Baaris ay ku Xaqiijinayaan Dilka loo geystay Qasnajigii Wasaaradda Gaadiidka.

Dhawaan ayey aheyd markii Magaalada Jowhar uu Askari ilaalo u ahaa Taliyihii NISA ee Gobolka Shabellaha Dhexe C/wali Ibraahim ku dilay Gurigiis,inkastoo Askarigii Dilka Geystay Maxkamadda Ciidamadda ay Dil Toogasho ah ku xukuntay.